Faysal Cali Waraabe oo Sheegay In Somaliland Ku Socdo Dagaal Qorshaysani

0
840

Hargeysa (HP): Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dalkeena uu ka dhex socdo dagaal qorshaysan oo in badan laga soo shaqaynayay.

Waxaanu ku baaqay Eng. Faysal, in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii dagaalka dalka ku socda laysaga caabin lahaa, isla markaana bulsho ahaan quluubteena aynu sifayno.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa kaloo uu xusay in ay jiraan cadow fara badan oo ku hawlan sidii ay bulshadeena colaad uga dhex abuuri lahaayeen, kuwaasoo aan xataa ogolayn in aynu nabad helno.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay xaflad xalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa, taasoo lagaga hadlayay arrimaha waxbarashadda.

Geesta kale, guddoomiyaha UCID ayaa wasaaradda waxbarashadda Somaliland ku hanbalyeeyay dedaaladda fara badan ee ay ugu jirto tayaynta, iyo horumarinta waxbarashadda dalka.

Waxa kaloo uu sheegay in la tayeeyo dugsiyadda barashadda farsamadda gacanta ee dalkeena, si dhalinyaradeena aynu ugu ku bar-baarino farsamada gacanta.

Isagoo na xusay in ka hor intii aynaan la midoobin Soomaaliya sanadkii 1960-kii in ay dalkeena ka jireen ama ku yaaleen lix dugsiyadda farsamadda gacanta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here