Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Fulisay Wacyigelin La Xidhiidha Ilaalinta Duur Joogta

0
267

Oodweyne (Hargeisa Press.com): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ayaa maanta barnaamijyo wacyigelineed ka fulisay goboladda Togdheer, Saaxil, iyo Daad-madheedh gaar ahaana magaaladda Oodweyne.

Wacigelintaasi ayaana la xidhiidhay sidii ay bulshadu wasaaradda Deegaanka ugala shaqayn lahaayeen ilaalinta deegaanka iyo duur joogta dalkeenna ku nool.

Odayaasha, iyo waxgaradka deegaamadii wacyigelinta laga fuliyay ayaa muujiyay sida ay bulsho ahaan uga go’an tahay ilaalinta duur joogta, iyo deegaanka ba, isla markaana uu yihiin dan guud oo la wada leeyahay.

Wacyigelintaasi oo ay wasaaradu maalmahan ba ka waday deegaamadda ka tirsan goboladaasi waxaa hogaaminayay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale oo wasaaradaasi ka tirsan.

Agaasimaha oo bulshadda fariin u diray ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan muwaadiniinta ku boorinayaan in duur joogta duurkeedda lagu ilaaliyo, isla markaana ay duurkeedda qiimo ku leedahay.

C/naasir Xuseen Siciid, ayaa tilmaamay in aan la ogolayn cid duur joogta dhibaato u gaysata, isla markaana ay mam-nuuc tahay in duur joogta la ugaadhsado ama la haysto, ama la dillo, in la dabto, ama laga ganacsado.

Sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo Duur joogta Somaliland oo ay baarlamaanku ansixiyeen sanadkii 2015-kii, sida uu sheegay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda Deegaanka Somaliland.

DAAWO: Warkaasi Wacgigelinta Wasaaradda Deegaanku ay Fulisay:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here