Guddoomiyaha Guurtidda Somaliland Oo Ka Hadlay Xaaladda Ka Taagan Laascaanood

0
281

“Xaaladda gobolka Sool wixii dhibaato ah ee yaalla wax ka qabashadeedda ayaa inoo yaalla waana in aynu ku biirno ergooyinka iyo wufuudda u baxay gobolka Sool…” guddoomiyaha G. Guurtidda JSL
“Waa in aynu helnaa cidii la wada hadli lahaa wax ka qabadkeedana waxaynu la kaashanaynaa oo door fiican ka qaadanaya dadka reer Laascaanood iyaga ayaynu siinaynaa heer aynu ku wada hadalno si loo gaadho…” Saleebaan Maxamuud Aadan.

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha golaha Guurtidda JSL Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in wefti ka socda golaha Guurtidu ay ka qayb qaadanayaan xalinta xaaladda ka taagan magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxaanu tilmaamay guddoomiyuhu in gole Guurti ahaan xaaladda ka taagan gobolka Sool wixii dhibaato ah ee yaalla in wax ka qabashadeedu ay u taalo, isla markaana golaha Guurtidda looga baahan yahay in ay qayb ka noqdaan ergooyinka iyo wufuudda u baxay gobolka Sool.
Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa kaloo uu sheegay in ay hadda degan tahay xaaladda magaaladda Laascaanood, balse ay lagama maar-maan tahay in la hello cidii la wada hadli lahaa ee ka mid ah madax dhaqameedka, odayaasha, iyo waxgaradka gobolka Sool.
Waxaanu xusay guddoomiyaha Guurtidu in xalinta xaaladda Laascaanood la la kaashan doono oo ay door fiican ka qaadanayaan dadka reer Sool, iyadoo na ay bilaabeen ba arrinta, isla markaana waxgaradka reer Sool la siinayo in ay hawsha soo gaadhsiiyaan heer lagu wada hadli karro.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kal-fadhigii 80-aad ee golaha Guurtidda JSL oo maanta dib u furmay, kadib markii uu goluhu ka soo noqday fasaxoodii dastuuriga ahaa oo dhamaa muddo 45 maalmood.

Hadalkii uu guddoomiye Saleebaan furitaanka kal-fadhigaasi ka jeediyay ayuu kaga hadlay laba arrimood oo kala ahaa diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee dalka ka socoto, iyo sidoo kale xaaladda cakiran ee ka taagan gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood.
Magaaladda Laascaanood waxaa maalmahan ba ku sugan wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, iyo sidoo kale siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka soo jeedda gobolkaasi.
Geesta kale guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland waxa uu ka hadlay kaalinta ay gole ahaan ka qaadanayaan hawsha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee ka socota dalka.

Dhinaca kale Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xidhitaankii ka-fadhigii shalay mudaneyaasha ku war-geliyay in ay geli doonaan fasax kaloo gaaban oo 15 maalmood ah, si ay uga hawl galaan xaaladda ka taagan gobolka Sool iyo sidoo kale diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee ka socota goboladda dalka.

DAAWO: Hadalka Guddoomiyaha Golaha Guurtidda JSL:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here