Shir Ku Saabsan Wadaagista Xogaha Badda Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
336

Hargaysa (Hargeisa Press): Shirka iskaashiga iyo wadaaga xogaha la xidhiidha arrimaha Baddaha ee Somaliland oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Hargaysa ayaa maanta la soo geba gabeeyay.
Shirkaasi oo uu furay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, ayaa mudadii uu socday waxaa lagu gorfeeyay arrimo la xidhiidha iskaashiga iyo wadaaga aqoonta la xidhiidha Baddaha.
Waxaana shirkaasi intii uu socday ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Siciid Axmed Cabdi, guddoomiyaha haayadda ka hor tagga Budh-cad baddeeda Somaliland Maxamed Cismaan, Sarkaal ka socday EU CUP, iyo masuuliyiin kale.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Siciid Axmed Cabdi, oo shirkani soo xidhay ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii lagu lafo-guray mudadii uu shirku socday iyo muhiimadda uu qaranka u leeyahay.
“Badda iyo wixii la xidhiidhaa waa hanti qaran oo aynu leenahay. Mandaqadda ay Somaliland ku taalaa na, waa mid aad u muhiim ah. Ka dawlad ahaan cid kastoo inagala shaqaynaysa arrimaha Badda, sidii aynu u horumarin lahayn, iyo haayadaha dawliga ah ee ka shaqeeya sidii aan u horumarin lahayn, waan soo dhawaynaynaa.
Inaga na horumar bay inoo tahay, wadankeena na dhaqaale ayay u keenaysaa” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Siciid Axmed Cabdi.

Guddoomiyaha haayadda ka hor tagga Budh-cad baddeeda Somaliland Maxamed Cismaan, oo xidhitaankii shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in shirkani uu ahaa mid muhiimadiisa leh, isla markaana wixii shirka ka soo baxay qoraal ahaan lagu diyaarin doono.
Waxaanu yidhi, “Wuxuu wanaagu ku jiraa, danta qaranku na ku jirtaa, in shirarku inoo joogtoobaan, oo ay wada shaqayntu sii socoto. Wixii shirka ka soo baxay qoraal ahaan baynu diyaarinaynaa, aniga iyo xafiiskayga ka hor tagga Budh-cad Baddeeda, iyo haayadda EU CUP, oo inaga taageeraysay”.
Geesta kale waxaa isna xidhitaanka shirkaasi hadal ka jeediyay Sarkaal ka socday haayadda EU CUP, oo shirkaasi soo qaban qaabisay. Waxaanu sheegay in ay ka haayad ahaan aad ugu faraxsan yihiin wasaarradaha iyo haayadaha kale ee ay wada shaqaynta leeyihiin in ay ka qayb qaateen shirkani.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here