Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Daah-furtay Faafinta Siyaasadda Qaran Ee Isbedelka Cimiladda

0
145

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa ku qabatay shir lagu daah-furayay faafinta Siyaasada Qaran ee Isbedelka Cimilada Somaliland.


Sida ay dhigaysay Digreetadii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ee soo baxday 7-dii bishii November ee 2023-ka, taasoo u jeedadeedu ahayd faafinta Siyaasada Qaranka ee Isbedelka Cimilada JSL, taasoo ay hore u ansixiyeen golaha wasiirradda Somaliland, iyo goleyaasha sharci dejinta, isla markaana uu saxeexay madaxweynuhu.

Sababta ka danbaysa siyaasadda qaran ee isbedelka cimiladda Somaliland waxay tahay in iyadoo laga duulayo dastuurka qaranka gaar ahaana qodobka 58-naad, iyo xeerarka kale ee la xidhiidha arrimaha deegaanka ee ay goleyaasha sharci dejinta Somaliland ansixiyeen, waxay hagayaan ilaalinta iyo maaraynta deegaanka.

Waxaa kaloo intaa dheer, si loo xaqiijiyo masuuliyadda dawladda ka saaran horumarinta bulshadda ka saaran deegaan, iyo dhaqaale, ee waafaqsan hiigsigeenna qaran ee 2030-ka, ee qorshaha horumarka qaranka ee saddexaad.

Waxay ka mid yihiin siyaasadaha ugu muhiimsan ee laga dheehan karro, sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay ilaalinta deegaanka, horumarinta dhaqaalaha, iyo bulshadda, sida uu daah-furka shirkaasi ka sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale.

Madashii lagu daah-furayay faafinta Siyaasadda Qaranka ee isbedelka cimiladda, waxaa ka soo qayb galay wasiirrada wasaarradaha Beeraha, Biyaha, Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha, agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta qaranka.


Madax ka socotay haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka, Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland, masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil, saraakiil ka kala socday safaaradda Taiwan, ee Hargaysa, iyo xafiiska dawladda UK ee magaaladda Hargaysa, Arday ka socotay jaamacadaha dalka, iyo dhalinyaradda u dhaq-dhaqaaqa arrimaha deegaanka.

Hadaba maxay tahay u jeedadda guud ee siyaasadda qaran ee isbedelka cimiladda Somaliland, waxaa arrintaa sharaxaya agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkaasi.

Waxaanu yidhi “Hiigsiga guud ee siyaasadda qaranka ee isbedelka cimiladu, waa xaqiijinta in muwaadiniinta reer Somaliland ay adkaysi xoogan u yeeshaan, saamaynta dhibaatadda isbedelka cimiladda, iskana caabiyaan raadadka uu isbedelka cimiladu ku leeyahay xaaladaheena bulsho, iyo dhaqaale.

Waxa kaloo ka mid ah u jeedooyinka gaarka ah ee laga leeyahay siyaasadani, in la yareeyo nug-laanshaha dhibaatadda ka dhalatay saamaynta isbedelka cimiladda, iyo xoojinta hababka ka soo Doogista ee qaybaha bulshadda ee u nugul, hab-dhiska deegaanka dabiiciga ah, iyo kor u qaadista xeerka u diyaar garowga masiibooyinka dabiiciga ah, iyo maarayntoodda”.

“In la soo jeediyo tallaabooyin la qabsi oo macquul ah oo lagula tacaalayo raadadka isbedelka cimiladda, iyadoo kor loo qaadayo xeerka u adkaysi, isla markaana hoos loo dhigayo heerka u nug-laanshaha, la na xoojinayo kartiddda qaybaha bulshadda. In la kobciyo hawl-qabadyadda haayadaha dawladeed, la na mideeyo fal-celiska isbedelka cimiladda ee ka imanaya dhamaanba dhinacyadda muhiimka u ah dhaqaalaha Somaliland iyo deegaanka, iyo bulshadda” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanku.


Geesta kale Agaasimuhu waxa uu sheegay in siyaadadani ay laba meelood xoogga saarayso, kuwaasoo kala ah la qabsiga saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda, iyo in la yareeyo dhibaatooyinka ka imanaya isbedelka cimiladda.

Maadaama oo ssbedelka cimiladu uu saamaynayo dhamaanba waxyaabihii aasaasiga ahaa. Waxaanu yidhi “Siyaasadani waxay xoogga saaraysaa laba meelood, kuwaasoo kala ah la qabsiga saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda, iyo in la yareeyo dhibaatooyinka ka imanaya isbedelka cimiladda. Isbedelka cimiladu dhamaanba waxyaabihii aasaasiga ahaa oo dhan ayuu saamaynayaa”.

Maxamed C/laahi Ducaale, wuxuu u mahad celiyaya madaxweyne Biixi, oo uu tilmaamay in waxqabadkiisa ay ku suntan tahay faafinta siyaasadda qaran ee isbedelka cimiladda. “Waxaan halkan uga mahad naqayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo golihiisa wasiirradu dood dheer, iyo falan-qayn ay ka yeesheen siyaasadda qaran ee isbedelka cimiladda, markii la hor geeyay, kadibna ay wasiirradu ansixiyeen.

Iyadoo kadibna uu madaxweynuhu saxeexay siyaasadaasi. Waxaanay gelaysaa wax-qabadka madaxweyne Biixi, siyaasadda qaran ee isbedelka cimiladu, waana arrin muhiim ah” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland.


Dhinaca kale waxaa furitaanka siyaasada qaran ee isbedelka cimiladda Somaliland hadallo ka jeediyay xubno ka mid ahaa wasiirradii ka qayb galay, iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo dhamaantoodba soo dhaweeyay faafinta siyaasadda qaran ee isbedelka cimiladda, iyo sida ay wasaaradda Deegaanku masuuliyadda isaga saartay sidii bulshadeena loo fahamsiin lahaa saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda.

DAAWO: Khudbadii Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Deegaanka:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here