Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Shaacisay Talaalka Cudurka Dabaysha

0
540

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay Arabacadda beri dalkoo dhan laga wada bilaabi doono talaalka cudurka dabaysha.

Ololahaasi talaalka cudurka Dabaysha ayaa lagu talaali doonaa caruur tiradoodu gaadhayso 380,000 oo caruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sanno jir.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, waxa uu sheegay in ololaasi uu bilaabmayo 25-ka bishan, isla markaana uu dhamaan doono 28-ka bishan.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here