Laascaanood: Badhasaabka Oo Kormeeray Garoonka Cabdi Bile

0
1046

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Badhasaabka gobolka Sool  C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa kormeer indho indhayn ah ku soo maray garoonka Kubbadda cagta Cabdi Bile Cabdi Stadium ee magaaladda Laascaanood.

Kaasoo  todobaadkan dabayaaqadiisa la filayo in uu ka furmo tartanka kooxaha heerka koowaad ee kubbadda cagta ee gobolka Sool.

Waxaanu guddoomiyuhu soo kormeeray sida ay hawlaha loogu diyaar garoobayo tartankaasi ay uga socdaan garoonka Cabdi Bile Cabdi. Tartankaasi oo socon doona muddo 35 malmood ah.

Iyadoo ay garoonka  ku sugnaayeen xiliga uu badhasaabku kormeerka ku jiray masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha u qaabilsan gobolka Sool.

Waxaana halkaas guddoomiyaha warbixin la xidhiidha xiliga ciyaaruhu furmayaan iyo halka ay hawluhu marayaan ku siiyay isu-duwaha wasaaradda ciyaaaraha ee gobolka Sool.

Badhasaabka gobolka Sool oo warbixinta isu-duwaha kadib halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay faa’iidadda ay ciyaaruhu u leeyihiin dhalinyaradda iyo isbedelka la filayo in tartankaasi uu ka dhex abuuro.

C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sheegay in tartankaaasi u jeedadiisu tahay sidii loo jihayn lahaa dhalinyaradda, isla markaana ay ciyaaruhu ka qayb qaadanayaan is dhex galka dhalinyaradda.

Waxaanu yidhi “Kormeerkan aan ku nimid garoonka Kubadda cagta ee Cabdi Bile Cabdi, waxay tahay, waxaan ku indha indhaynayay.

Iyadoo Khamiista todobaadkan dhamaadkiisa gaaroonkan ay ka bilaabmi doonaan  tartanka ciyaaraha koobka gobolka Sool”.

“Tartankaasi oo socon doona muddo 35 maalmood ah. Waxaana ka qayb gelaya dhalinyaro tiradoodu dhan tahay 536 qof. Waa jihayntii dhalinyaradda, waana ka qayb mustaqbalka dhalinyaradda.

Waxaana furitaanka tartankaasi imanaya wefti iyo wasiirka dhalinyaradda iyo wasaaradda ciyaraha”ayuu yidhi badhasaabku.

Geesta kale isu-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sool, ayaa badhasaabka warbixin ka siiyay hawlaha ay ugu diyaar garoobayaan furitaanka tartan ciyaareedkaasi.

Waxaanu yidhi “Guddoomiye waad aragtaa oo shaqadii si fiican ayay gaaroonka uga socotaa. Dhalinyaradiina waa diyaaar.

536 dhalinyaro ah ayaanu diiwaan gelinay, oo aanu kaadhadhka u samaynay. Waxaana tartankaasi ka qayb geli doona kooxaha heerka koowaad ee gobolka Sool”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here