Wasaaradda Caafimaadka Oo Daawooyin Ku Wareejisay Cusbitaaladda Burco iyo Hargaysa

0
317

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta Daawooyin iyo qalab kaloo caafimaad ku wareejiyay cusbitaaladda magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.

Daawadaasi iyo qalabkaasi aa loogu tallo galay in lagula tacaallo dadka shilalka gaadiidka ku waxyeelooba, Jajabka Lafaha iyo kuwa kale ee u baahda Qaliinadda.

Munaasibadii wareejinta daawooyinkaasi oo ka qabsoontay xarunta Kaydka daawooyinka wasaaradda caafimaadka ee magaaladda Hargaysa, waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka.

Agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargaysa Dr. Cumar Askar, oo isagu labadda cusbitaal ee Burco iyo Hargaysa u wad aguddoomay daawooyinkaasi iyo qalabkaasi iyo Maamulaha Kaydka daawooyinka ee wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo ka warbixiyay noocyadda daawooyinkaasi ayaa sheegay in qalabkaasi ay ka mid yihiin daawooyin, qalab, dirays ama agabka loo baahdo marka uu qofku shil gallo.

Kuwa loo isticmaallo marka uu   qofka dhaawac ku yimaado ama uu qaliin ku yimaado, ama uu qofku Dhaymo u baahdo ama Cudbiga dhaawacyadda lagula tacaallo iyo  wixii kale ee ay u baahan yihiin.

Dr. xergeeye, waxa uu kaloo uu sheegay in ay dhawaan cusbitaaladda kale ee dalka gaadhsiin doonaan waxyaabaha ay u baahan yihiin, iyadoo ay ku xidhan tahay hadba baahiyahoodda.

Maadaama oo ay dhawaan kormeer shaqo ku soo sameeyeen dhamaanba cusbitaaladda dalka, isla markaana ay soo wadda ogaadeen mid waliba baahidoodda ugu badan ee haysta.

Geesta kale agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa Dr. Cumar Askar, oo isagu labadda cusbitaal ba u wadda guddoomay daawooyinkaasi iyo qalbakaasi ayaa wasaaradda caafimaadka Somaliland uga mahad celiyay daawooyinkaasi ay ku wareejiyeen.

Waxaanu sheegay in ay helitaanka qalabkaasi iyo daawooyinkaasiba baahi weyn u qabeen, isla markaana ay rejaynayaan in  dad badan lagu bad-baadin doono naftahoodda.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here