Maayarka Boorama Oo Casho Sharaf U Sameeyay Dhalinyaraddii Shaqo Qaran

0
334

Boorama (HP): Maayarka magaaladda Boorama Maxamed Axmed Warsame, ayaa xalay casho sharaf u sameeyay dufcadii saddexaad ee  ka midka ahayd dhalinyaradii shaqo qaran ee  gobolka Awdal uga qayb galay barnaamijkaasi.

Dhalinyaradan soo dhamaystay barnaamijka shaqo qaran ee uu maayarku cashadda u sameeyay oo tiradoodu dhamayd 50 qof, ayaa isugu jiray Wiil iyo Gabdho.

Casho sharaftaasi oo lagu qabtay hudheelka Rays ee magaaladda Boorama ayuu maayarku ku tilmaamay mid dhiiri gelin u ah dhalinyaradda soo dhamaystay wejiga saddexaad barnaamijka carbiska shaqo qaran.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here