Wasaaradda Beeraha Oo Daah-furtay Mashruuc Lagu Taageerayo Beeralayda

0
384

Hargaysa (HP): Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargeysa ka daah-furtay barnaamij lagu taageerayo in ka badan 16-kun oo beeralay ah ka mida.

Munaasibad lagu qabtay huteelka Maansoor Β oo mashruucaasi lagu shaacinayay waxa ka qayb-galay wasiirka wasaaradda Β Axmed Muumin Seed, agaasimaha guud ee wasaaradaasi Rooble Cabdi Muuse, wasiirka wasaaradda Cadaaladda, madaxa Somaliland ee FAO.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay masuuliyiinΒ  kale oo ka socday haayadaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso wasaaradda beeraha Somaliland.

Waxaanay wasaaradda beeruhu munaasibadaasiΒ  ku faahfaahisay mashruucaasi lagu horumarinayo beeralayda dalka.

Wasiirka wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan Taakulada Beeralayda la siinayo lagu soo beegay xilliga Gu’ga oo ku beegan dhamaadka bishan March ee aan ku jirno.

Sidaasi darteed Beeralayda dalka looga baahan yahay inay ka faa’idaystaan, maaddaama oo Siidhka ama Shinnida Beeralayda la gaadhsiin doonaa uu yahay mid dabiici ah oo ay hore wasaaradda Beeruhu u beertay, isla-markaana u kaydisay.

Axmed Muumin Seed, ayaa u mahad-naqayΒ  haayadaha ay wasaaradda beeraha wada shaqaynta leeyihiin oo ay ka mid tahay haayadda FOA.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Rooble Cabdi Muuse,Β  ayaa isna sheegay in qorshahani uu qayb ka yahay dedaallada wasaaraddu ku horumarinayso Beeraha iyo Beeralayda.

Sidaasi darteed Taakulo isugu jirta Siidh iyo qodaalka Saacado la gaadhsiin doono 16 Kun oo Beeralayda wadanka ka mid ah.

Munaasibadan lagu shaacinayay Taakuladan beeralayda loo fidinayo waxa kalooΒ  hadallo ka soo jeediyeen wasiirka Cadaaladda Β Somaliland iyo madaxa haayadda FAO ee Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here