Basaska Hargaysa Oo Cabanaya Kor U Kac Ku Yimid Qiimaha Shiidaalka

0
434

Hargaysa (HP): Ururka iskaashatadda Basleyaasha caasimadda Hargaysa ayaa cabasho xoogan ka muujiyay qiimaha Shiidaalka oo ay kordhiyeen shirkadaha soo dejiya shiidaalka ee dalka keenna.

Waxaanay ku eedeeyeen shirkadaha Shiidaalka keenna in iyadoo aanu kor u kac ku iman qiimaha sarifka lacagta dollarka ay hadana shirkadaha shiidaalka iibiyaa ay kordhiyeen qiimaha.

Xubnaha guddiga iskaashatadda Basaska Hargaysa oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskoodda magaaladda Hargaysa waxay ugu baaqeen xukuumadda in ay wax laga qabto qiimahan ay shirkaduhu kiciyeen.

Korodhkan ku yimid qiimaha shiidaalka dalka ayaa imanaya iyadoo aanu jirin wax is bedel ah oo ku yimid qiimaha guud ahaanba dunidda iyo sidoo kale lacagta sarifka dollarka ee ay ku iibiyaan.

Sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga iskaashatadda Basaska Hargaysa C/raxmaan Xaashi C/laahi, oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here