Wasaarada Ciyaaraha oo Ganaax-yadii Ka Cafisay Xulalka Gobolada Togdheer iyo Hawd

0
1060
Xulalka Gobolada Togdheer iyo Hawd
Xulalka Gobolada Togdheer iyo Hawd

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddida racfaanka ee wasaarada ciyaaraha Somaliland, ayaa laashay ganaax muddo 4 ilaa 5 sano ah lagaga mamnuucay xulalka gobolada Togdheer iyo Hawd ciyaaraha Somaliland.

Ganaaxa labada kooxood lagu soo rogay, ayaa yimid kadib markii lagu eedeeyay in ay ku kacaneen falal anxasha baal marsan intii uu socday koob kii gobolada Somaliland.

Hadaba guddida racfaanka ee wasaarada ciyaaraha, oo dib u eegis ku samaysay ganaaxyada ayaa si kama danbays ah u laashay.

β€œKadib markii aanu dibu eegis ku samaynay ganaaxyadii tartan kii ciyaaraha gobolada, waxanu go’aan sanay in ganaaxa laga qaado Hawd iyo Togdheer” sida waxa yidhi gudoomiyaha guddida racfaanka Axmed Aflax.

β€œSidoo kalena in ciyaartoygii ganaaxyadu ku dhaceen dhamaantoodba laga qaado, ganaaxyadaas oo u badnaa dhinaca anxshaxa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa sido kale sheegay in ciyaartoydii kasoo ciyaaray maamul goboleedyada Soomaaliya ganaaxyada loogu badali doono ganaaxyoΒ  lagacageed.

Dhanka kalena digtoorayso Adna Aadan Ismaaciil iyo Jaamac Karaaciin oo katirsan bahda ciyaaraha Somaliland ayaa wasaarada uga mahad celiyay go’aanka ay ganaaxyada ku laashay.

Wasiirka ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxamed oo munaasibada soo afmeeray ayaa sheegay in hadii aan ganaaxyada lasoo rogi lahayn ay wax badani sii xumaan lahaaheen.

β€œGanaaxa maalinta hadan lasamayn wax badan baa sii xumaan lahaa, looma samayn ganaaxa in la ciqaabo dadka ee waxa loo sameyay in garsooraha iyo calan wayada yaashiisu ay ugu sareeyaan garoonka marka la galo” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay in tan iyo intii la bilaabay in la ganaaxo ciyaartoyda uu anshaxa ciyaaruhu wanagsanaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here