Mashruuc Malaayiin Dollar Ku Kacaya Oo Laga Fulinayo Berbera

0
538

Berbera (HP): Waxaa maanta magaaladda Berbera laga daah-furay wejigii koowaad ee mashruuca horumarinta magaaladaasi oo uu maalgelinayo ururka Midawga Yurub.

Mashruucani oo ay ku baxayso lacag malaayiin dollar ah ayay  kasbatay dawladda hoose ee Berbera, kadib markii qiimayn lagu sameeyay magaallooyinka ku yaalla xeebaha gobolka Geeska Afrika.

Waxaana fulinta mashruucani ay dawladda hoose ee Berbera muhiimadda koowaad siin doonaa  maamulka iyo maaraynta qashinka iyo weliba in laga sii faa’iidaysto qashinka.

Xoojinta dalxiiska, horumarinta xeebta Badda, hirgelinta barxadda la dhigto baabuurta, iyo casriyaynta beerta nasashadda Berbera.

Munaasibadii daah-furka  wejiga koowaad fulinta mashruucaasi ee maanta waxaa  ka soo qayb galay agaasimeyaasha wasaarradaha arrimaha gudaha, qorshaynta qaranka, hawlaha guud, iyo maamulka degmadda Berbera iyo ka gobolka Saaxil.

Mashruucani waxaa dawladda hoose ee Berbera kala shaqaynaya wasaarradaha qorshaynta qaranka,arrimaha gudaha iyo hawlaha guud iyo guriyaynta ee Somaliland.

Sida uu sheegay maayarka Berbera C/shakuur Maxamuud Cidin, oo faahfaahin ka bixiyay mashruucani iyo meelaha ay ka fulin doonaa iyo meelaha ay muhiimadda siinayaan.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here