Warbixin Lagu soo Bandhigay Guulaha Shirkadaha MSG iyo Doorka Uu Ka Qaato Horumarka Geeska Afrika

0
922

Hargaysa (Hargeisa Press): “Mr.Maxamed Siciid Geeddi waa ganacsade haysta dhalashada labada dalka ee Somaliland iyo Jabuuti.

Kaasoo maamula ganacsiyo si fiican u guulaystay oo ku fidsan dalalka Bariga Afrika, Bariga Dhexe, ilaa Qaaradda Yurub.

Waa ganacsade kelidii abuuray shirkado ganacsi oo kala duwan ah oo laga soo bilaabay gunta hoose, isla markaana hadda gaadhay inay iibiyaan badeecado malaayiin doollar ah sannad walba, iyadoo hal-abuurkaas lagu hirgeliyey qorshayaal ganacsi oo si wax-ku-ool ah loogu guulaystay.

Waxaanna guusha ganacsiyadiisa qayb ka ah inay suuqa iibka geliyaan badeecado iyo wax-soo-saar tayo leh, dejinta xirfado dhinaca iibka ah oo soo jiidasho leh iyo suuq-gayn hal-abuurkeedu sareeyo,” ayaa lagu bilaabay warbixinta lagu faafiyey allafrica.com.

Waxa kaloo warbixinta lagu sheegay in ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi uu hal-abuurkiisa ganacsiga ku mutaystay abaalmarinno iyo shahaado-sharafyo kala duwan oo la guddoonsiiyey.

Kadib markii ay dadka shirkadihiisa macmiilka u ahi u bogeen qaabka hufan ee ay u shaqeeyo iyo badeecadaha tayada leh ee uu bulshada ka iibiyo.

“Kadib markii uu ganacsigiisu guulaystay, isla markaana ay dadka macmiisha u ah iyo dhinacyada la shaqeeyaaba ay u bogeen ganacsigiisa, waxa uu Maxamed Aw Siciid Geeddi ku guulaystay in la siiyo billado iyo shahaado-sharafyo badan, oo ay ka mid yihiin; abaalmarin u-bogid iyo mahadnaqid ah oo uu ka helay dowladda Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 2016 (Certificate of Appreciation Recognition Award from Democratic of Republic of Somaliland in 2016).

Shahaado-sharaf uu ka helay Badhasaabka Gobolka Gabilay (Honorary Recognition Certificate from Governor of Gabiley) iyo shahaado-sharaf loogu aqoonsaday doorkiisa uu ku caawiyo bulshada oo ay guddoonsiiyeen Ururka Danwadaag sannadkan 2019 (Honorary Recognition Certificate from Danwadaag Social Development Organization).

Waxa kaloo uu shahaado-sharaf ku mutaystay doorka wax-ku-oolka ah ee uu ka gaystay Jaamacadda Cammuud ee magaalada Boorama, halka sidoo kale oo shahaado-sharaf mahad-naq ah ka helay Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Ganacsiyaddiisa guulaystay:

Ganacse Maxamed Siciid Geeddi waa aasaasaha iyo Guddoomiyaha Shirkadda MSG Trading ETS, taasoo ganacsiga dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha kala duwan ee dalalka Geeska Afirka ka shaqaynaysay ilaa sannadkii 1981-kii.

Isagoo shirkadan ganacsiga ka soo aasaasay shirkad madaxbannaan oo sigaarka iyo tobaakada ka ganacsatada (Independent Tobacco FZE) oo uu ka sameeyey magaalada Dubai oo uu Guddoomiye ka ahaa ilaa sannadkii 2004-kii, halka uu sidoo kale  uu noqqday Guddoomiyaha Shirkadda Somcable LTD ee laga hirgeliyey Somaliland ilaa sannadkii 2009, iyadoo uu sameeyey, maamulkoodana leeyahay shirkado kala duwan oo qabta ganacsiyo kala duwan, kuwaasoo hadda magacoodu yahay Shirkadaha MSG Group (MSG Group of Companies.)

Warbixinta lagu faafiyey allafrica.com, waxa lagu sheegay in Shirkadaha MSG Group ay yihiin shirkado la mideeyey oo ganacsiyadoodu kala yihiin qaar khibrad iyo waayo-aragnimo badan u leh wax-soo-saarka iyo ganacsiga sigaarka iyo tobaakada, adeegyada isgaadhsiimaha (telecommunications), Sahaminta shidaalka iyo gaasta (oil and gas exploration), qaybinta tamarta (energy distribution), adeegyada isu-gudbinta iyo maraakiibta (shipping and transit services), shirkado qaabilsan dhinaca adeegyada maamulka fududaynta tahsiilaandka iyo dhismaha (logistics management and construction.)

Dhaqdhaaqyada iyo hawlaha ganacsiga ee ay qabtaan shirkadaha Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi, waxa lagu soo koobi karaa sidan hoos ku qoran:

“Shirkadda tobaakadu waa shirkad caalami ah oo ka ganacsatada tobaakada, taasoo si ballaadhan u sii koraysa, iyadoo ay qaabilsan tahay soo-saarista tubaakada, suuq-gaynteeda iyo in sigaarka lagu sii kala qaybiyo gudaha dalka Imaaraadka Carabta.

Shirkadani waxay soo saartaa noocyada kala duwan ee sigaarka iyo tubaakada oo ah noocyo khaas ah oo tayadoodu sarayso, taasoo ujeedadiisu tahay sidii uu u soo jiidan lahaa macmiil kala duwan, iyadoo ganacsigaasi ku kala fidsan yahay Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta bari ee qaaradda Eeshiya, halka sidoo kale uu hadda qorshihiisu yahay in lagu sii fidiyo dalalka Yurub iyo badhtaha Eeshiya.”

Shirkadda Somcable:

“Shirkadda Somcable waa shirkad qaabilsan dhinaca isgaadhiinta oo ah shirkad bixisa adeegyada isgaadhsiinta, gaar ahaan adeegyada internet-ka ee xadhkihiisu soo maraan dhinaca badda (fiber optic cable network), iyadoo xadhkahaas laga soo jiiday masaafo dhan 1400km oo isku xidhan Jabuuti ilaa Somaliland.

Ujeedada Shirkadda Somcable waxay tahay in xadhkaha internet-ka ee Fiber Optiga ah loo sii gudbiyo dhinac dalka Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska ah. Ganacsigan Somcable waa mid bixiya adeegyada internet-ka ee xawaarihiisu sareeyo, kaasoo gudbintiisa loo adeegsanayo shabakadu isku-xidhyo casri ah, waxaannu sidoo kale awoodooda kordhinayaa shirkadaha kale ee Isgaadhsiinta oo ay ku jiraan shirkadaha isgaadhsiinta telefoonnada, ISP iyo kuwa ka shaqeeya dhinaca warbaahinta (cable TV operators).

Kuwaasoo adeegsanaya internetka xawaarihiisu sareeyo, wax-soo-saarkoodana sare u qaadi kara. Shirkadda Somcable waxay si toos ah uga qaybqaadataa horumarka joogtada ah ee bulshooyinka kala duwan.

Iyadoo horumarkaasna u marta dariiqyo kala duwan oo ah maalgelin, shaqooyin mutadawacnimo ah iyo ku-lug-lahaanshaha bulshada, iyadoo taageero ka gaysata horumarka mashaariicda gudaha ka socda iyo shaqo-abuurka.

Shirkadda SO! Ltd oo qayb ka ah Somcable, waa shirkad bixisa adeegyada internet-ka oo tayadoodu sarayso, wax-soo-saarkooduna aad u sareeyo, iyadoo bixisa isgaadhsiin la wada awoodi karo iyo qaybo la xidhiidha dhinaca madadaalinta.

SO! LTD oo ku shaqaynaysa Isku-xidhka xadhkaha badda laga soo jeeday (fiber Optic) ee Shirkadda Somcable, waxay bixisaa mawjado aad u sareeya iyo khibrad la isku hallayn karo oo aan isbed-beddelayn, iyadoo ay sidoo kale SO! LTD ay bixiso internet tayo leh oo ay isticmaalaan dadka shaqsiyaadka ah iyo ganacsiyaduba, meelaha ugu badan ee uu ka shaqeeyana waxa ugu weyn qaybaha kala duwan ee Caasimadda Hargeysa iyo Gobollada kale, waxayna ballanqaadaysaa oo ka go’an inay sii ballaadhiso adeegyada internetka, kuwaasoo loo marayo GEPON (Gigabit Ethernet Passive Optical Networks), it can deliver guaranteed broadband internet.”

Sida lagu sheegay warbixintan dhinacyada badan taabanaysa ee laga qoray ganacsadaha weyn ee Maxamed Aw Siciid Geeddi, ganacsiyadiisa kale waxa ka mid ah saamiga uu ku leeyahay shirkadda SomPower oo ah shirkadda xiligan ugu weyn ee bixisa adeegyada laydhka ama korontada.

Halka uu sidoo kale leeyahay shirkado ka shaqeeya dhinaca tamarta oo meelaha qaar ka shaqeeya dhinaca sahaminta iyo baadhista shidaalka iyo gaaska, iyagoo shuraako la ah Shirkadda RAK Gas ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Waxa kaloo uu leeyahay shirkado qaabilsan dhinaca isku-gudubka badeecadaha ku safraya dhulka, badda iyo cirka, gaar ahaan shirkadda la yidhaado Guedi Transit, taasoo xafiisyo ku leh dalalka Jabuuti, Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo ay shirkadaasi bixiso adeegyo la xidhiidha dhinaca loogistigiska oo ay ka faa’iidaystaan macmiil kala duwan oo aad u badan.

Waxa kaloo uu Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi ku guulaystay inuu hirgeliyo shirkadaha MSC Construction and Contracting Company oo qaabilsan dhinaca dhismaha iyo qandaraasyada, taasoo in ka badan 40 sanno shaqaynaysay, meelo badanna ka shaqaysa,  Shirkadda EACS oo ah  Aramex franchise, taasoo ka shaqyasa dalalka Jabuuti iyo Somaliland, Shirkadda Dunya VIP Lounge ee ka hawlgasha madaarka magaalada Jabuuti.

Taasoo qaabilsan adeegyada dhinaca diyaarinta dhukumantiyada sharciga, isku-dubbo-ridka shirarka ay yeelanayaan shirkadaha muhiimka ah ee waaweyn oo kolba ciddii doonaysa loo sii ballamiyo, bixinta adeegyada dhinaca safarka iyo hoyga  (travel and accommodation services) iyo adeegyada dhinaca ammaanka.

“Shirkadaha MSG Group, waxa aragtidooda hiigsiga ah iyo yoolkooduba yahay sidii ay u noqon lahaayeen shirkadu heer caalami ah oo Adduunka oo dhan laga wada aqoonsado, iyadoo taasna ku gaadhi doona inay bixiyaan ganacsiyada iyo adeegyada ay ka ganacsadaan oo si casri ah loo diyaariyo,” ayaa lagu yidhi warbixinta lagu daabacay allafrica.com.

Deeqsinnimada Maxamed Aw Siciid Geeddi iyo kaalmooyinka uu bixiyo (Philanthropy):

Warbixintan, ayaa sidoo kale lagaga hadlay deeqsinimada Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi iyo doorka uu ku leeyahay caawinta bulshada, waxaanna lagu yidhi; “Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi, waxa uu bixiyaa kaalmooyin iyo sadaqo joogto ah oo uu ka fuliyo guud ahaan degaannada Gobolka Geeska Afrika, isagoo maalgeliyey mashaariic kala duwan oo lagu dhisay waddooyin badan, sida mashruuca dhismaha Dowga Cammuud, Waddada Dawga Cad, dayactirka waddada madaarka Hargeysa, samaynta iyo ka qaybqaadashada waddooyinka ay dowladda Hoose ka samayso gudaha Hargeysa, dib-u-habaynta waddada buuraha Dhoobo iyo dib-u-dhiska waddada degmada Daarasalaam ee Woqooyiga Hargeysa.

Maxamed Siciid Geeddi, waxa uu dhisay sanduuqa kaalmooyinka waxbarashada oo qayb ka ah MSG Foundation, kaasoo ay ka faa’iidaystaan carruurta iyo ardayda aan nasiibka u helin fursadaha waxbarasho ee ku nool dalalka Somaliland iyo Jabuuti, iyadoo ay sannad walba ay arday tiradoodu tahay 20 arday ay ka qallin-jabiyaan Jaamacadaha kala duwan ee dalka gudihiisa iyo dalka dibaddiisaba.

Waxa kaloo uu maalgeliyey mashaariicda dhinaca biyaha ee laga fuliyo guud ahaanba dalka Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhismaha biyo-xidheen laga hirgeliyey Saylac, dib-u-habaynta ceelal biyood oo uu ka mid yahay Ceel-gaal, dhaamam biyood, biyo-qabbatinka iyo biyo-marka Aw Barkhadle, Bandar-wanaag, Balli-Ahmed, Haro-Sheekh, Ceel-xume, Ceel Bilcinle iyo Burco.

Shirkadaha MSG waxa kaloo ay qayb weyn ka qaateen dedaalka wax-ku-oolka ah ee bulshada loo fidiyo xiliyada ayn dhacaan dhibaatooyinka la xidhiidha dhinaca cimilada, sida abaaraha, masiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo ay kaalmo isugu jirta biyo iyo raashin u qaybiyeen in ka badan ilaa 500 qoys oo ay waxyeelo ka soo gaadhay abaartii ka dhacday degaanka Oodweyne.

Halka uu sidoo kale taageero ka gaysto dhismayaasha masaajidada laga dhiso dalalka Somaliland iyo Jabuuti, taasoo sidoo kale ah sadaqooyinka joogtada ah ee uu gacanta ka gaysto ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi,” ayaa lagu yidhi warbixintan.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here