Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Qaabilay Dhilinyaro Loo Tababaray Hoggaaminta

0
445

Hargaysa (Hargeisa Press): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay 21 dhalinyaro ah oo ay  xarunta CPA u carbisay hoggaaminta (Leadership).

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa qaabiladda dhalinyaradaasi ku wehelinayay wasiirka macdanta iyo tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Cabdiqaadir Sh. Maxamuud Muxumed (Dhega-weyne) iyo agaasimaha madaxtooyadda Maxamed Cali Bile.

Dhalinyaradani oo ka kala socday goboladda dalkoo dhan ayaa ah dufcadii labaad oo muddo sannad ah lagu tababarayay hoggaaminta,

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha xarumaha ay ka horayso in dadka la dhiso oo la tababaro si loo helo hoggaamin suuban

Waxaanu hay’adda CPA uga mahad celiyay tababarkan lagu tayaynayo hogaaminta dhalinyaradda.

Waxaanu yidhi “Aad iyo aad baan idiin soo dhawaynayaa dhalinyarta iyo xarunta tababarka siyaasada ee u xamaan qaadatay inay jihayso ama toosiso, tababarto dhalinta Somaliland.

Iyadoo isaga keentay gobolada kala duwan, aad iyo aad baanu CPA ugu mahad naqaynaa. Idinkuna ka arday ahaan iyo ka macalin ahaanba aad iyo aad baan idiin soo dhawaynaynaa.

Hay’ad kastoo la dhisaya-ba, waxaa ka horaysa in qofka la dhiso. Inta aan hawshaa loo dhiibin, horta loo tababaro hawsha”.

Dhinaca kale dhalinyaradaasi waxay ka dareen celiyeen soo dhawaynta iyo qaabilaada loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada, waxaanay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here