Safarkii Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Ku Tegay UK

0
976

London (Hargeisa Press): Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa  dhawaan  dalka Ingiriiska ku tegay safar shaqo oo la xidhiidha heshiis iskaashi waxbarasho ah oo dhexmaray machadka shaqaalaha dawladda Somaliland  iyo machad ku yaalla dalka UK.

Waxaana magaaladda London loogu sameeyay xaflad soo dhawayn ah oo ay u sameeyeen qurbe joogta reer Somaliland ee ku nool magaaladda London, taasoo uu hadal ka jeediyay guddoomiyuhu.

U jeedadda socdaalka uu  guddoomiye Farxaan Aadan Haybe, ku tegay UK ayaa la xidhiidhay kulan lagu soo casuumay  sagaal wadan oo Afrika ka tirsan.

Xafladda casuumada ahayd ee ay qurbe joogta London u sameeyeen guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa hadal uu ka jeediyay waxa uu qurbe joogta ku booriyay in ay qabyaaladda ka fogaadaan.

 

Waxa kaloo uu Farxaan Aadan Haybe, ka hadlay sida ay Somaliland fursad ugu tahay ka bixitaanka Ingiriiska ee midawga Yurub, taasoo uu tilmaamay in ay aqoonsi raadinta ka caawin doonto Somaliland.

Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda lagu tayaynayo ee ay wado hay’adda shaqaalaha dawladu.

Halkan Hoose Ka Daawo Hadalkii Guddoomiyaha Hay’adda Shaqalaaha Dawladda Somaliland:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here