Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia

0
1582

Ciidamada Azerbaijan iyo Armenia ayaa sheegtay in midba mid kale uu khasaare xooggan gaadhsiiyey, iyada oo maalinkii saddexaad uu galay dagaalka u dhaxeeya ee ka socda gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh.

Baaqyo ka yimid hogaamiyeyaasha caalamka oo ku saabsan in la joojiyo dagaalka qarxay Axaddii ayaanay cidna dhageysan.

Golaha Ammaanka QM ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan deg deg ah ka yeesho dagaalka, oo ay illaa iyo hadda ku dhinteen 100 qof.

Saraakiisha gaashaandhigga Yerevan ayaa sheegay in gooni u goosatada Karabakh ay iska caabiyeen weerar kaga yimid Azerbaijan, β€œayna khasaare xooggan gaadhsiiyeen cadowga.”

Waxay intaas ku dareen in tan iyo markii uu dagaalka billowday, uu militariga Azerbaijan gaadhay khasaare ah 50 diyaarado drone ah iyo afar helicopter oo lasoo riday, iyo 80 tanki oo la burburiyey.

Saraakiisha difaaca Azerbaijan ayaa dhankooda ku gacan saydhay sheegashada Armenia ee la xidhiidha inay dib u qabsadeen dhul gacantooda ka baxay Axaddii.

β€œCiidamada Azerbaijan waxay sii wadeen weerar ka socda magaalada Fizuli iyaga oo burburiyey taankiyada cadowga, islamarkaana dilay 10 aksari,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Baku.

β€œCadowga waxay dalbadeen in laga caawiyo inay goobaha dagaalka ka qataan meydadkooda iyo dhaawacyadooda,” ayay tidhi.

Dagaalkan, u dhaxeeya Azerbaijan oo ah dal Islaam ah iyo Armenia oo ah Kirishtan, ayaa hadda laga cabsi qabaa inay soo galaan Ruushka iyo Turkiga.

Yerevan ayaa qeyb ka ah isbaheysi militari oo ay ku jiraan dalal hore uga tirsanaa Midowga Soviet oo ay hogaamiso Moscow, waxaana hogaamiyaha Russia Vladimir Putin uu ku baaqay xabad joojin.

Ankara ayaa taageerta Azerbaijan, waxaana madaxweyne Erdogan uu Isniintii ku baaqay in la gaadhay xilligi dagaalka lasoo geba-gebeyn lahaa.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here