Wasiir Koore oo Shaaciyay Inuu Ka Bogsaday Xanuunka Coronavirus

0
2880
Wasiir Saleebaan Cali Koore

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore)  ayaa shaaciyey in uu ka bogsaday xannuunka safmarka ah ee Covod-19, kadib markii uu maanta maray baadhitaan caafimaad.

Dhowaan ayay aheyd markii Wasiir Koore  uu shaaca ka qaaday in isaga iyo ilaaladiisa laga helay xannuunka safmarka ah ee Covid-19, isaga oo is karantiilay, balse muddadii karantiilku maantay ayay u dhammaatay.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in haatan xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here