Wakiilka Somaliland u Fadhiya Kenya oo ka Xog-waramay Shirar uu ku Yeeshay Xarunta Baarlamaanka Kenya + SAWIRRO

0
866

NAIROBI,(HargeisaPress) β€”Wakiilka dalka Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi, ayaa ka xog-waramay ujeedooyinka shirar uu ku qaatay xarunta Baarmalaanka Kenya labadii maalmood ee u dambeeyey.

Warsaxaafadeed uu Ambassador Baashe Cawil Cumar soo saaray Maanta, ayuu ku sheegay inay ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka dalalka Somaliland iyo Kenya, halka sidoo kale la isla soo qaaday in xidhiidh-wadashaqayneed dhexmaro Baarlaamka Kenya iyo Somaliland.

β€œWaxaan ku faraxsannahay maanta (shalay) in aan booqday Aqalka Baarlamaanka Dalka Kenya, halkaas oo aan kula kulmay Hoggaamiyaha Xisbiga laga aqlabiyadda badan yahay ee Baarlamaanka Hon. Junet Mohamed, dhinaca kale shalay (Salaasadii) waxaan kulan is xog-warraysi ah ku wadaagnay Aqalka Sare ee Guurtida Hoggaamiyaha Xisbiga Aqlabiyadda badan ee aqalka Guurtida Senator Kipchumba Murkomen, waxaanan labada masuul ka wadahadalnay arrimahan hoos ku xusan:-

  1. Sidii loo sii horumarin lahaa Xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya ka dhexeeya.
  2. Sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada aqal ee Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ee dalka Kenya la leeyihiin labada Gole ee Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), iyada oo ay xusid mudan tahay in labada dhinac ee Kenya iyo Somaliland weftiyo ka tageen, kuwaas oo wadaagay aqoon is-weydaarsi iyo tobabaro ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhkooda wada shaqayneed.

Ugu dambayntii, waxay kulamadaasi ku soo dhammaadeen is af garad iyo guul,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu soo saaray Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here