Maydka 30 Qof oo Muhaajiriin ah oo Laga Helay Doonyo ku Qaraqmay Xeebaha Jabuuti

0
797
Waxa la waayey 130 qof oo kale

JOHANNESBURG,(HargeisaPress) —Maydka 30 qof ayaa la helay, waxaana la waayey 130 ruux oo muhaajiriin ah, kadib markii laba  doonyood  ka tageen xeebta Jabuuti,  kuwaasi oo ku qaraqmay badda waxyar markii ay ka dhaqaaqeen halkaas.

Sidaasna waxa shaacisay Hay’adda Qarammada midoobay u qaabilsan Muhaajiriinta.

Waxa dalka Jabuuti lagu daweynayaa 16 qof oo ka badbaaday labada doonyood oo mid kastaaba siday 130 qof.

War-saxaafadeed ay soo saartay Qarammada Midoobay ayaa lagu sheegay in doonyahaas ay u qaraqmeen culayska xad-dhaafka ah ee la saaray.

Wiil 18 jir ah  oo ka mid ahaa dadkii ka samato-baxay mashaqadan ayaa sheegay in 130 qof  oo 16 haween ahaayeen ay la socdeen doonidii uu saarnaa, hase ahaatee wax war ah ilaa imika  lagama  hayo doonidii kale oo la xaqiijiyey inay siday  130 qof oo kale.

Warku wuxuu intaas ku daray in  doonyahani ay u sii jeedeen dalalka gacanka carabta, Waxaana la sheegay in dadka ugu badani ay ahaayeen dhallinyaro  Itoobiyaan ah.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here