Wadahadallo Hargeysa uga Furmay Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumada Somaliland

0
936
Hargeysa, (HargeisaPress) — Wadda Hadladii Xukuumadda  iyo Mucaaradka uga  furmay saaka Hotel Ambasatoorka magaalada Hargeysa ayaa waxay labad dhinaca isku afgarteen in gebi ahaanba laga noqdo go’aankii ay horay Golaha Guurtida ugu dhawaqeen ee khilaafka abuuray,kaas oo ahaa in mudo kordhin 10 bilood ah loo sameeyay Xukuumadda Iyo Golaha Wakiilada .

Labada Dhinaca ayaa hadda isla qaatay in Go’aankaa Guurtida gebi ahaaba meesha laga tuuro,balse  may sheegin dhanka looga guurayo ilaa hadda ,lakiin waxay u  muuqataa inay Xukuumaddu ku soo laabanayso go’aankii Guddiga Doorashooyinke ee horay la iskugu raacay kaas oo xataa ay Beesha  Calamkau taageero u muujisya.
Dhanka kalena Garabkii u metelayey Xukuumadda wada haddalkan ayaa ku laabtay Qasriga madaxtooyada waxaan sheegeen inay wadda tashi dib isku  noqonayaan madaam laga la isku  waafaqay in laga noqdo go’aankii guuritada inay wad tashi dambe ka soo gelayaan halkii looga guuri lahaa.
Isku soo wada duubo  Xukuumadda iyo labada xisbi mucaarad ayaa ku heshiiyey in gebi ahaanba la laalo go’aankii Khilaafka abuuray ee guurtidu ku dhawaaqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here