Doorashooyinkii dalka Burundi oo dib loo dhigay & Dibadbaxyo ka Socda Bujumbura + SAWIRRO

0
981
Mr Nkurunziza has ruled out delaying next month's elections
Mr Nkurunziza has ruled out delaying next month's elections

Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa maanta dib u dhigay muddo hal toddobaad ah doorashooyinka baarlamaanka iyo midda golayaasha dalkaas, iyadoo maanta ay magaalada Bujumbura ka socdaan iska-horimaadyo u dhexeeya ciidamada booliiska dalkaas iyo shacab dibadbaxayaal ah oo kasoo horjeeda in Nkurunziza uu mar saddexaad xilka madaxnimo isku sharraxo.

Afhayeenka madaxtooyada dalka Burundi, Willy Nyamitwe oo la hadlay warbaahinta ayaa Sheegay in Dib u dhigidda Doorashooyinka ay ku timid Codsiyo kaga yimid Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Burundi iyo Beesha Calaamka. Iyadoo doorashada madaxtooyada oo 26-ka bisha Juun dhici doona ayaan la sheegin wax is-bedel ah oo lagu sameeyay.

Bujumbura 55

Dib u dhigida doorashooyinka baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka dalkaas ayaa kusoo beegmaysa waqti ay weli sii socdaan mudaaharaadayaal looga soo horjeedo in Nkurunziza uu mar saddexaad isi sharraxo.

Mudaaharaadyada ka socda Bujumbura ayaa waxaa ku dhintay 20-qof oo shacab u badan, kuwaasoo ku geeriyooday rasaas ay ku fureen ciidamada amniga Burundi, iyagoo dibad-baxyo dhigaya; waxaana mudaaharaadyadan ay sababeen in saraakiil ka tirsan ciidamada dalkaas ay ku dhawaaqeen toddobaadkii lasoo dhaafay afgambi fashilmay.

Wararka laga helayo Burundi ayaa sheegaya in Dibad-baxyada Madaxweynaha looga soo horjeedo ay ku fideen deegaanno ay ka mid tahay Musaga, halkaasoo laga maqlayo rasaas.

Dhanka kale, Willy Nyamitwe ayaa diiday in Ciidamada wadankaas ay ku kala jabeen Af-gambigii dhicisoobay ee dhawaan dhacay dalkaas, isagoo sheegay in Ciidamaduna ay weli yihiin kuwo isku xidhan.

Ugu dambeyn, Pierre Nkurunziza ayaa sheegay inuu xaq u leeyahay inuu mar saddexaad u Tartamo Xilka madaxnimo, maadaama Xilligiisii koowaad ee madaxtooyada uusan ahayn mid ay bulshadu soo  doorteen, qaybna ka ahaa dib u heshiisiintii dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here