“Waa muhiim in wasaarradaha dawladu ay isku aragti noqdaan”…

0
448

Hargaysa (HP): Agaasimaha Telefishanka qaranka Somaliland C/rasaaq Cismaan Maxamed, ayaa sheegay in ay muhiim weyn leedahay in wasaarradaha iyo haayadaha dawladu ay ka midaysnaadaan macluumaadyadda iyo wararka ay baaninayaan.

Waxaanu tilmaamay in suurtogelinta arrintaasi ay udub-dhexaad u tahay wasaaradda warfaafinta Somaliland, maadaama ay bulshadda Somaliland masuul uga tahay hagida laamaha kala duwan ee haayadaha dawladda.

C/rasaaq Cismaan Maxamed, waxa uu tilmaamay in wasaaradda warfaafinta looga baahan yahay in ay qaadato kaalinteedaasi ah in ay isku xidho hanaanka gudbinta barnaamijyadda waxqabad ee wasaarradaha dawladda.

Balse aanay wasaaradda warfaafintu ku koobnaanin oo keliya waaxyadeedda kala duwan sida warfaafinta, kobcinta dhaqanka iyo wacyigelinta bulshadda, hase yeeshee looga baahan yahay in ay shaqayso kaalintii iyo awoodihii kale ee ay wasaaradu lahayd.

Agaasimaga telefishanka qaranka Somaliland waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay tababar  ku saabsanaa istaraatijiyadda wada xidhiidhka ee qaybaha kala duwan ee wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee Somaliland oo maanta ka furmay magaaladda Hargaysa.

Waxaana tababarkaasi soo qaban qaabisay waaxda wada xidhiidhka ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ee jamhuuriyadda Somaliland. Kaasoo ay ka qayb qaadanayaan masuuliyiin ka kala socday waaxyadaha wada xidhiidhka ee wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee Somaliland.

Tababarkaasi waxaa fulinaysa jaamacadda ADMAS faraceedda magaaladda Hargaysa, oo ay aqoon yahano ka socdaa bixinayaan tababarkaasi  mudadda uu socdo.

C/rasaaq Cismaan Maxamed, ayaa maamulka, iyo macalimiinta jaamacadda ADMAS uga mahad celiyay aqoonta ay siinayaan xubnaha kala duwan ee ka socda wasaarradaha iyo haayadaha dawladda

Waxaanu tilmaamay in ay ahayd in iyagu ay raadsadaan aqoonta noocaasi ah ee ay jaamacadda ADMAS bixinayso, isla markaana helitaanka aqoontaasi oo kale ay ku baxdo dhaqaale aad u fara badan.

Geesta kale agaasimaha TV-ga qaranka Somaliland waxa uu sheegay in faa’iidadda laga helayo tababarkaasi ay ka mid tahay in ay is-bartaan xubnaha wasaarradaha dawladda uga masuulka ah baahinta wararka iyo macluumaadyadda kala duwan.

Maadaama oo qof waliba uu wasaarrad ama haayad uu uga masuul yahay isgaadhsiin wareed iyo qaybaha wax soo saar, oo ah halka lagu soo bandhigiyo wasaaradaasi waxqabadkeedda iyo xidhiidhka ay la leedahay haayadaha kale ee dawladda.

Waxaanu xusay C/rasaaq Cismaan, in haddii tallaabadaasi la hirgeliyo in ay keeni karto in ay isku argati noqdaan wasaarradaha iyo haayadaha kala duwan ee dawladu.

Agaasimaha ayaa intaas raaciyay in qabashadda tababarka noocan ah ay muujinayso in horumar ay ku tallaabsatay wasaaradda warfaafinta Somaliland oo udub-dhexaad u ah isku xidhka baahinta xogaha wasaarradaha dawladda.

Dhinaca kale C/rasaaq Cismaan Maxamed, ayaa ka qayb galeyaasha tababarkaasi kula dar-daarmay in ay ka faa’iidasytaan casharradda qiimaha leh ee lagu siin doono mudadda uu socdo tababarkaasi.

 

DAAWO: Agaasime C/rasaaq Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here