Tababar Ku Saabsan Wadda Xidhiidhka Wasaarradaha Dawladda Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
430

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay tababar ku saabsan hanaanka wada xidhiidhka ee wasaarradaha iyo haayadaha dawladda.

Tababarkaasi oo ku saabsanaa istaraatijiyadda wada xidhiidhka ee qaybaha kala duwan ee wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee Somaliland.

Waxaana tababarkaasi soo qaban qaabisay waaxda wada xidhiidhka ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ee jamhuuriyadda Somaliland.

Iyadoo ay tababarkaasi ka qayb qaadanayaan masuuliyiin ka kala socday waaxyadaha wada xidhiidhka ee wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland oo furitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedadda ay ka leeyihiin qabashadda tababarkaasi.

Waxaanu sheegay agaasimuhu in kadib markii ay arkeen inuu jiro gaab u dhexeeya qaabka wada xidhiidhka ee wasaarradaha iyo haayadaha dawladda in la sameeyo hanaan wada xidhiidh oo dhex mara haayadaha dawladda.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here