US Congress: Xildhibaanno Gudbiyay Mooshinka Aqoonsiga Somaliland

0
500

Washington (HP): In ka badan 22-xildhibaan oo ka tirsan Congress-ka dawladda Maraykanka ayaa gudbiyay Mooshin ay ku dalbanayaan in Somaliland loo Aqoonsado dal madax banaan.

Tallabadani ay imanaysa xili wefti uu hogaaminayo madaxweynha Somaliland ay booqasho ku joogaan dalka Maraykanka.

Waxaana jirtay in dhawr maalmoof ka hor weftiga madaxweyne Muuse Biixi, ay kulan la yeesheen xildhibaano ka tirsan Congress-ka Maraykanka.

Warka la xidhiidha mooshinkan ku saabsan aqoonsiga Somaliland ee ay gudbiyeen xildhibaanadu ayaa loo arkaa inuu qayb ka yahay qorsheyaasha ay dawladda Maraykanku ku sii xoojinayso xidhiidh ay dhawaan wada yeesheen Somaliland.

“Hindise-sharciyeedkan oo ku soo biiraya mid kale oo ‘Somaliland Partnership ACT Somaliland Partnership ACT’ waxa ka faalo-qaaday Wakiil Scott Perry oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee u metelaya Pennsylvania, Degmada 10 116-117 (2019-Present).

Xeerkan waxa hore loogu gudbiyay Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada oo ciwaankeedu yahay.

In Somaliland Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u aqoonsato dal gaar ah oo madaxbannaan” ayaa lagu yidhi warkaasi ka soo baxay Congress-ka.

https://www.congress.gov/bill/117th-congress/house-bill/7170?q=%7B%22search%22%3A%5B%22Somaliland%22%2C%22Somaliland%22%5D%7D&s=1&r=2

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here