Xoghayaha UCID Oo Ka Hadlay Saxafiyiin Jidh Dil Loo Gaystay

0
457

Hargaysa (HP): Xibsiga mucaaradka ah ee UCID ayaa ka hadlay fal jidh dil ah oo magaaladda Hargaysa loogu gaystay laba saxafi.
Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Sheekh Ibrahim Cabdi Xuseen, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigaasi ayaa xukuumadu Kulmiye ku eedeeyay in ay falkaasi ka danbayso.
Waxaanu sheegay in Diinta Islaamka iyo sharciga Somaliland ay damaanad qaadeen ilaalinta amniga qof kastoo muwaadin ah.
Waxaanu tilmaamay Sheekh Ibrahim Cabdi Xuseen, in arrimahaasi oo dhan ay bulshadda uga masuul tahay kolba xukuumada joogta.
Falkaasi weerarka ah ee loo gaystay labadda saxafi ayaa lagu gaadhsiiyay dhaawacyo fudud.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Xoghayaha UCID:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here