Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo Soo Gabagabeeyey Kulan Ay Muddo Saddex Casho Ah Ay Kulmayeen Culimada Dalka Iyo Saxafiyiinta Magaalada Hargeysa

0
879
Hargeysa, (HargeisaPress) —Ururka Al-bashiir oo ka shaqeeya dacwada Diinta Islaamka iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa  magaalada Hargeysa kusoo gabagabeeyey  kulan muddo saddex maalmood ah soconayay oo ku saabsan sidii saxaafaddu u tabin lahayd warar togan, una ilaalin lahayd anshaxa suuban ee saxaafadda iyo bulshada.

 

Kulankan oo soconayay saddex maalmood ayaa saxafiyiintu culimada kaga dhegaysanayeen doorka diinta Islaamka ay ku leedahay warbaahinta iyo kalmado ku saabsan cibaadada, waxaana ka qayb galaya inka badan 100 suxufi.

 

Waxaana kulankani kasoo qayb galay wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland,agaasimaha wasaarada warfaafinta, sheikh Dirir,Sheekh Mustafe,gudoomiyaha maaxkamada sare iyo waliba masuuliyiin kale.

 

Waxaana kulankan soo gabagabeeyey oo muxaadiro dhinacyo badan taabanaysa oo  ku saabsan akhlaaqiyaadka looga baahan yahay qofka saxafiga iyo waliba inuu baahiyo warar togan halkaasi kasoo jeeddiyay Sheekh Mustafe Xaji Haaruun oo kamida culimada wa way nee dalka waxaana uu sheekhu saxafiyiintuu kasoo qayb gashay ugu baaqay inay dhanka wanaagsan u adeegsadaan isla markaana ay ka waantoobaan wax kaste oo khalkhal galinaya amniga.

 

Gabagabadiina saxafiyiintii kasoo qayb gashay oo gadhaysay 100 suxufi ayaa su’aalo tiro badan waydiiyay sheikh Mustafe isaga oo sheekhuna ugajawaabay su’aalahaasi sidii ugu haboonayd.

 

Gabagabadiina kulan oo ay iska kaashadeen Ururka Al-bashiir oo ka shaqeeya dacwada Diinta Islaamka iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ahaa mid aqoon badan laga faa’iday isla markaan ay saxafiyiinta lagu booriyay inay ku dhaqmaan sida ugu haboon.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here