Muuse Biixi Iyo Cabdi Casiis Maxamed Samaale Oo Yeeshay Kulan Fool Ka Fool Ah Iyo Waxa Uu Ku Saabsanaa Kulankoodu

0
817

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahan murrashaxa xisbiga Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay kulan fool ka-fool ah la yeeshay wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo dhawaan kasoo laabtay safar uu carriga maraykanka ugu maqnaa.

 

Kulankan oo ahaa mid xogtiisa si weyn loo daahay, ayaa ka qabsoomay guriga uu Cabdicasiis Samaale ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxana labadan siyaasi oo si weyn xiiso ugu qabay inay fadhiga noocan oo kale ah yeeshaan halkaas ku qaateen wakhti saacado ah.

 

Sida uu wargeyska Hubaal ku helay xogta, kulankani waxa uu ahaa mid labadan masuul ku wada qaateen afur, iyadoo si weyn iskaga xog waraystay arrimaha dalka, waxana ay si hufan uga doodeen baahida loo qabo in dhinac la iska dhigo qardoofooyinkii siyaasadeed ee hore u dhexmaray, kuwaas oo ay muddo kooban ku kala maqnaayeen.

 

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdicasiis Samaale waxa halkaas ku dhexmaray wada-hadal iyo is xogwaraysi dheer, waxana ay si mug leh u lafo gureen waxyaabaha la kala tabanayo, iyagoo aakhirkiina mid waliba midka kale ka dhaahiyey waxa uu ka tabanayo ama uu ka tirsanayo.

 

Kulankan oo ay kasoo shaqeeyeen siyaasiyiin iyo waxgarad miisaan ku dhex leh xisbiga KULMIYE dhexdiisa, ayaa waxa uu mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ku caddeeyey inuu meel iska dhigayo wixii farqi dhinaca siyaasadda ah ee ka dhexeeya guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isla-markaana uu diyaar u yahay inuu wixii karaankiisa ah la shaqayn doono oo qaybtiisa ka qaadan doono dhisiddiisa iyo ka gun-gaadhististiisa la xidhiiidha hankiisa madaxweynenimo ee uu dalka ka leeyahay.

 

Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa kale oo kulankaas ku caddeeyey inuu si dhab ah taageersan yahay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu meel iska dhigay qardoofadii ka dhalatay shirweynihiii golaha dhexe ee sanadkii hore xisbiga KULMIYE Hargeysa ku yeeshay, kaas oo sababay inuu Cabdisamaale aragti ka duwan qaato.

 

Waxyaabaha kale ee uu wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale kulankaas ka caddeeyey, ayaa waxa kamid ah inay ka go’an tahay sidii uu qaybtiisa uga qaadan lahaa guul uu markale xisbiga KULMIYE Ka gaadho doorashooyinka sanadka soo socda dalka ka qorshaysan, kuwaas oo ay xisbiga ugu sharraxan yihiin guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan CabdilaahiIsmaaciil Saylici.

 

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa farxad weyn ka muujiyey inay maskaxda iyo maankaba ka midoobeen Cabdicasiis Maxamed Samaale,waxana uu muujiyey inay arrintaasi tahay guul cuddoon oo xisbiga usoo hoyatay, isagana oo marlabad ka codsaday inaanu ka tagin isl markaana garabkiisa tagnaado.

 

Waxaana dhawaan la fialyaa in cabdicasiis maxmed Samaale loo qaban dpoono munaasibad uu ku shaacinayo taageradiisa uu Muuse Biixi u hayo.

 

Hubaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here