War deg deg ah oo hada naga soo gaadhaya magaalada gaashaamo soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabkada wararka hargeisapress ayaa sheegaya in ciidamada new policeka ee dawlada deegaanka somalida itoobiya ay kaxaysteen isla markaana ay afduubteen 50 oday

0
1060

Burco, (HargeisaPress) —War deg deg ah oo hada naga soo gaadhaya magaalada burco soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabkada wararka warbaahnta hargeisapress ayaa sheegaya in ciidamada new policeka ee dawlada deegaanka somalida itoobiya ay kaxaysteen  isla markaana ay afduubteen 50 oday oo iskugu jira cuqaal salaadin iyo waxgarad ka amba baxay shalay magaalada burcoo ee xarnunta gobolka togdheer.

Waxaana  naloo xaqiijiyay in odayashan ay xalay u hoydeen deegaanka gorgor oo waxyar u jirta degaanka Jaamac Dubad ee dhawaan xasuuqa arxan darada ah ka dhacay waxaana odaayashu ay  saaka ku wabariisteen ciidamo tiro badan oo new police ah, waxaana ay sababtay taasi in ciidamadu ay kaxaystaaan isla markaana afduubtaan 50 oday oo sida aan hore u sheegnay iskugu jira saalaadiin cuqaal iyo waxgarad.

Ujeedka saladiinta,cuqaasha iyo waxgaradkani ay ku tageen deegaanka gorgor oo kamida gaashaamo ayaa daarnaa sida naloo xaqiijiyay kulan tuuladda Gorgor ay odayashani kula lahayeen Madax ka tirsan Dowladda Federalka Ethiopia oo maalmihii udanbeyayba ku howlanaa sidii ay si dhab ah u ogaan lahayeen waxa sababay xasuuqa ay gaysteen ciidamada liyuu boolisku isla markaan ay ku xasuuqeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Wararka aaan helayno ayaa waxay intaa ku darayaan inay ciidamadaasi ay deeganka gorgor kaga tageen oo kaliya Suldaan Maxamed Yuusuf (Biish) iyo oday Cabdi Xaashi oo ka mid ahaa Waftigii habenki xalay ahaa ka anba baxay Magalada Burco una sii jeeday dhanka degaanka gorgor, kuwaasi oo gaadhay balse ay ciidamadu ka tageen iyaga oo kaxaystay odayashoo iyo waxgaradkii kale.

Ilaaa hada lama garanayo sababta ay ciidamada News policeku u afduubteen odayashan iskugu jira cuqaasha waxgaradka iyo salaadiinta ee sida naloo sheegay uu kulan u balansanaa inay wada yeeshaan masuuliyiin ka socota dawlada fadaralka itoobiya, sidoo kalean waxaan ila hada la garanayn halka ay ku sugan yihiin odayaashu.

 

Waxii warara kala soco shabakda wararka warbaahinta hargeisapress.com

 

wariye:-sakariye cabdiraxmaan ibraahin

Hargeisa press-desk

Sekeriye80@gmail.com
burco/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here