Ururka Dhalinyarada Daljir oo si adag uga Hadlay Xaalada Guud ee Somaliland, Xukumadana ku eedeeyay…

0
1027

War-saxaafadeed kooban oo ay magaalada Hargeysa ka soo saareen ururka Dhalinyarada DALJIR  oo ay ku midoobeen  dhalinyarada Beelaha Habar Magaado  ayaa waxa ay kaga hadleen xaalada guud ee dalku maraayo. Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiye  Cabdinaasir Yuusuf Bulxan  ayaa u qornaa sidan:

Marka aynu eegno xaalada uu maraayo dalkeena somaliland waxa aad moodaa in waxyaabo badan ku soo kordheen oo aan wacnayn kuwaasi oo ay masuul ka tahay xukumada Madaxweyne siilaanyo. Oo aad moodo in ay ugu talo gashay in ay wax walba kharibto iyada oo ujeedada ay ka leedahay tahay sidii ay u samaynsan lahayd mudo korodhsiimo . waxa aanu leenahay xukumada uu masuulka ka yahay Axmed Siilaanyo in ay dib isugu noqoto oo khaladaadka joogtada ah ee ay samaynayso ka dayso shacabka somaliland oo ay dalka doorasho u horseedo maadama waqtigii la doortay ay ka hadhay wax aan ka badnayn lix bilood.

Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada  Daljir ee Beelaha  habar magaado (Mr Bulxan)

Hadii aan shacabka somaliland xasuusiyo waxyaabaha mudooyinkan dambe ay ku kacday waxa ka mid ah:

  1. Afka xidhista iyo u cago juglaynta cid kasta oo fikir fiican cabirta oo ay u aragto in ay ka hor imanayso danaheeda
  2. Camal la `aanta dalka iyo ku tagri falka cashuurta danyarta laga ururiyo
  3. Dhawaaqa suldaan Wabar iyo taageero u samaynta xukumada Madaxweyne siilaanyo
  4. Iibinta warshada leydhka Berbera oo aan la garanayn waxa ku kalifay in ay waqti xaadirkan ka iibiso shaqsiyaad ay dano gaar ah ka leedahay xukumadu oo madaxtooyada xidhiidh la leh
  5. Biyo la`aanta ka taagan caasimada Hargeysa iyo ka warhayn la`aanta madaxweynaha
  6. Duminta seeskii adkaa ee inoo dhexeeyay somaliya oo ilaa hada meelo madow lagula dhuunto xukumaduna isku gaar yeeshay, lamana garanaayo danaha ay qarsanayso laakiin waxa ay dhalinyaradu si weyn uga fikiraysaa waxa ka iman kara
  7. Ragaadinta xukumada howl kasta oo ay dhalinyaradu leedahay wax iyada taageersan mooyaane oo ay danaheeda ku fushato( sida burburintii shirkii dhalinyarada ee cadaadley,xadhigii madaxdii Jiidali iyo kuwo kale)
  8. Kala jajabinta Beelaha iyo u Qiil samaynta mudo kordhinta xukumada iyadu is amaanta laakiin aanay umadu mahadin
  9. Nidaam xumada hanaanka xukumadu waxa ay keentay in wasiiradu u kala sareeyaan sida qoyska madaxooyada loogu kala dhow yahay.

Marka aanu aragnay qodobadasi aanu kor ku soo sheegnay  iyo qaar kale oo badan oo aanu is nidhi hadii aad soo bandhigtaan Qaranimada ayay wax yeeli.

Waxa aanu go`aan ku gaadhnay:

  1. In aanu bilowno Dood qaran oo la isku weydiini doono halkay somaliland u socotaa oo ay ka soo qayb geli doonaan, dhamaan dadka lexejeclada ka leh Dalka.
  2. Waxa kale oo aanu dhawaan qaban doonaa shirweynihii dhalinyarada Habar-Magaado oo ay hada si habsami leh noogu socoto qaban qaabidasiisu
  3. Alla Mahad leh

Cabdinaasir Yuusuf Bulxan,

Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada  Daljir ee Beelaha  habar magaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here