Guddida Jidka Ceerigaabo Oo Sharaxay Halka Dhismaha Waddadu marayso iyo Xaddiga Lacagaha Ay Hayaan + SAWIRRO

0
788

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Guddida wada Dhismaha Jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo bilawday ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada waxay ku sheegeen halka ay haatan wadadu marayso, iyagoo sidoo kalena faahfaahin kaga bixiyay Lacagaha soo galay.

GUDIDA CEERI

Gudoomiyaha Guddida Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay haatan hayaan Lacag dhisaysa ilaa boqol Kilomitir oo wadada Ceerigaabo ah “Waxaanu hore u sheegnay inaanu ugu yaraan sanadka hore ka shaqayno 100Km oo wadada Ceerigaabo ah, waxaanuna haynaa Boqol KM inka badan lacagteedii” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiirku waxa uu sheegay in haatan ay dhamaadeen 30KM oo aan wali Daamurkii la saarin “Wadada hadaan ka waramo halkay marayso iyo qorshaheeda, difcaadii hore waxay ahayd 30Km oo ahayd 10Km oo xagga shishe laga bilaabay iyo 10Km oo xagga soke laga bilaamay iyo 5Km oo Gar adag laga bilaabay iyo 5Km oo Ceel-afweyn laga bilaabay, 30Km way dhamaadeen waxaana gacanta lagu hayaa Daamurkii oo u yimid” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

GUDIDA CER

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in todobaadada soo socda xadhiga laga jarayo 30Km islamarkaana la bilaabi doono 40Km oo kale.waxa uu sidoo kale sheegay in daamur badan oo la dalbay hadda laga rarayo dekedda Berbera.

GUDIDA CEERIG

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay inay guud ahaan daafaha Caalamka ka timid lacago kala duwan kuwaasi oo qurbejoogtu soo dirtay, sidoo kalena dalka lacago badan laga Ururiyay.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here