Cabdiraxmaan Guun Oo Dambi SONYO Laga Galay Ku Sheegay Warqad Uu Cabdicasiis Xirsi Warsame U Diray Hay’adaha Wada Shaqaynta La Leh.

0
981

Hargeysa, (HargeisaPress) — Cabdiraxmaan Maxamed Guun oo ka mid ahaa Xubnaha Golaha sare ee wakhtigoodu dhammaaday ee dalladda SONYO ahaana xubin ka tirsanaa dhinaca Musharax Cabdicasiis Xirsi Warsame, sidoo kalena ahaa afhayeenka garabkaasi Cabdicasiis ee ka cabanaya shirweynihii 7aad ee dalladda SONYO ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warqad uu soo saaray Cabdicasiis Xirsi Warsame oo u tartamay Guddoomiyaha dalladda SONYO taasi oo uu ku socodsiiyey hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin SONYO isaga oo isticmaalay shaabad been abuur ah oo aan rasmi ahayn.

Afhayeenka kooxda Cabdicasiis Xirsi Warsame Md. Cabdiraxmaan Maxamed Guun oo caawa saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin una arkaan warqaddaasi uu soo saaray Cabdicasiis Xirsi Warsame mid dhaawac weyn

ku ah SONYO maadaama ay tahay mid been abuur ah isla markaana waji xun tusaysa hay’adaha iyo xafiisyada ay dalladda wada shaqaynta leeyihiin ee dalka iyo dibaddaba. Cabdiraxmaan Guun oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Aniga oo Ah Cabdiraxmaan Maxamed Guun ahna xubin ka tirsan Golaha sare ee haatan xilkiisu dhammaanayo isla markaana ah afhayeenka kooxda ka cabanaysa shirweynihii 7aad ee SONYO ee dhawaan qabsoomay waxaan beeninayaa jiritaanka warqad been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo uu qoray Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ku andacoonaya inuu yahay Guddoomiye la doortay. Warqaddaasi oo lagu socodsiiyey hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin dalladda SONYO kana mid ahaa xubno lagu saxeexay warqaddaasi. Waxaan caddaynayaa in ay beer abuur tahay warqaddaasi”.Cabdiraxmaan Guun oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Waxaan aad ula yaabanahay warqaddaasi Cabdicasiis qoray oo wadata shaabad been abuur ah oo aan rasmi ahayn. Waxaan umadda u sheegayaa in ay tahay dambi weyn oo lagula xisaabtami doono Cabdicasiis Xirsi Warsame. Waxa ii caddaatay Cabdicasiis iyo xubhnaha la socdaa ee tirada yari in ay rabaan in ay dumiyaan dalladda SONYO oo aan naga mudnayn wixii aanu soo dhisnay in aanu maanta dumino midaasi waan diiday inta ila fikirka ahina sidaa ayay qabaan. Waxaan la yaabanahay isaga oo aan xafiis iman halka uu shaabaddan foojariga ah ee aan rasmiga ahayn ka keenay ee aan ka soo bixin xafiiska SONYO ee uu beenta ugu sheegay cidda uu warqaddaasi ku socodsiiyey. Waxa kale oo is waydiin leh haddii aad is leedahay Cabdicasiisow jooji dhaqaalaha mashaariicda SONYO ku shaqaynayso halkee ayaad ku soo socotaa ee aad rabtaa in aad maamusho. Ugu dambayn waxaan caddaynayaa in ay qayrul sharci tahay arrimaha ay wadaan Cabdicasiis iyo shakhsiyaadka tirada yar ee doonaya in ay SONYO kala jabiyaan”.

Gabagabadii Hadalkiisa Cabdiraxmaan Maxamed Guun waxa uu yidhi: “Walaal saxeexyadan uu warqadda ku qortay ma joogin mana garanayo meesha uu ka keenay. Waa la been abuuray saxeexaasi la iga samaystay waxaanan leeyahay walaalkay Cabdicasiis waxan warqaddan ku qorani wax aan ogolahay maaha. Waa been abuur cad marka wax la soo saarayana waa in la iska arko oo wax la iska waydiiyo. Halkan uunbaan isku arkay mana ogoli in dan gaar ah loo baabi’iyo SONYO oo maal iyo muruqba lagu soo bixiyey dhismaheeda”.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here