UNHCR Oo Sheegtay Cunto Yari Soo Waajahday Malaayiin Soomaali ah

0
936

Geneva (Hargeisa Press.com): Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa ka digtay in shan milyan iyo afar boqol oo kun oo qof oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan in bisha soo socota ay soo waajahdo cunto yari aad u daran.

Qaramadda Midoobay ku sababaysay digneenteedda in dadkaas ay saameeyeen abaarro sii xumaanayay oo sanadihii ina dhaafay ka jiray wadanka.

Waxaanay Qaramadda Midoobay waxay xustay  in haddii aan si deg dega loo helin gar gaar bani’aadanimo oo naf bad-baadin ay dadkaasi halis ku jiraan.

Sida ay sheegtay afhayeenka hay’adda UNHCR  Babar Baloch, oo magaaladda Geneva ee xarunta Qaramadda Midoobay warbixin arrintaas ku saabsan ka soo saartay.

Babar Baloch, ayaa intaas ku dartay   in cunto yaridda ka taagan Soomaaliya ay mar horeba ahayd mid daran, isla markaana uu wakhtigu aad u sii yaraanayo si loo caawiyo dadka ay saamaysay.

UNHCR waxa kaloo ay sheegtay in abaaraha ka dhashay isbedelka cimiladda ay si joogto ah uga dhacayaan dalka Soomaaliya, taasoo xaaladda ku sii xumaysay malaayiin Soomaali ah oo markii hore-ba barakacsanaa.

Warbixinta Qaramadda Midoobay ayaa sidoo kale lagu xusay in  abaarta hadda ka jirta Soomaaliya ay sanadkan oo keliya barakicisay 50,000 oo qof oo Soomaali ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here