TRUMP: Iiraan waan la hadlaynaa balse tallaabo militari meesha kama marna

0
826
Madaxweyne Donald Trump

TEHRAN—Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la hadlo madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, balse marwalba ay suuragal tahay in tallaabo milatari uu Mareykanku ka qaado Jamhuuriyadda Islaamiga.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa casha sharafeed la qaatay Prince Charles, Prince Wales iyo Camilla, Duchess of Cornwall, Winfield House, inta uu booqashada ku joogay London.

“Sidaas darteed Iran waa meel colaadeed marki ugu horreysay oo aan xilka qabtay waxaan telefishanka British ITV u sheegay iney Iiraan safka hore uga jirto “waddamada argagixisada calamka wakhtigaasi wa la ila yaabbanaa balse hadda waxan u maleynayaa in la ogaaday” ayuu yiri.

Markii la waydiiyay haddii uu u maleeynayo inuu dalkiisa u baahan doono inuu Iiraan ka qaado tallaabo millatari waxaa uu yiri, “Mar walba waa suuragal balse ma doonayo anigu, balse marweliba waxaa jira fursado tallaabbo militari lagu qaadi karo”.

Sida oo kalana waxaa la weydiiyey inuu diyaar u yahay inuu Rouhani uu wadahadal la yeesho wuxuu ku jawaabay “Haa, waan doonayaa inaan la hadlo”.

Wuxuu yiri, markii la waydiiyay, inuu diyaar u ahaa inuu la hadlo Rouhani: “Haa, dabcan. Waxaan jeclaan lahaa in aan ka hadlo. ”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Zarif oo sheegay in dadka ku xeeran Madaxweynaha Mareykanka Trump ay ku riixayaan dagaal

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan wuxuu horay u sheegay in uusan rumeysnayn in dagaal uu ka qarxi doono gobolka xilli uu jiro walaac laga qabo xiisadaha sii kordhaya ee dalkiisa uu kala dhaxeeyo waddanka Mareykanka.

Maxamed Javad Zarif ayaa waxaa uu warbaahinta qaranka dalkiisa ee IRNA uu u sheegay in Tehran aanay dagaal doonayn, uusanna jirin dal “ku fakaraya inuu Iiraan dagaal kaga hortago”.

Mareykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu maraakiib iyo diyaarado dagaal uu geeyay Gacanka taas oo lagu tilmaamay in looga gol-leeyahay “halista” Iiraan.

Hasayeeshee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado wixii colaad keeni kara.

Isagoo la hadlayay IRNA markii uu soo gebagabeeyay booqasho uu ku tegay Shiinaha maalintii Sabtidii ayuu Mr Zarif waxa uu sheegay in Mr Trump “uusan dagaal doonayn, hasayeeshee dadka ku xeeran ay ku riixayaan dagaalka iyagoo isticmaalaya oraahda ah Mareykanka aannu ka dhigno mid ka awood badan Iiraan”.

Waxa uu intaasi ku daray: “Wax dagaal ah ma uu jiri doono sababtoo ah innagu dagaal ma doonayno qof maanka ku hayana ma uu jiro fikradda ah in colaad lagala hortago Iiraan.”

Maxay xiisaduhu u jiraan?

Xiisadahan ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labadan dal ayaa imanaya kaddib markii ay Iiraan joojisay waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka sidoo kalana ay ku gooddisay inay dib u bilaabi doonto barnaamijkii ay ku kobcinaysay uranium-keeda.

Heshiiskii 2015 ayaa waxaa loogaga gol-lahaa in Iiraan lagaga qaado cunaqabateynta taa badelkeedana ay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka, hasayeeshee Mareykanka ayaa sanadkii tegay isaga baxay heshiiskaasi iyadoo cunaqabateyn cusubna uu soo dalkaasi ku soo rogay.

MCSN JASON WAITE / NAVY OFFICE OF INFORMATION / A

Digniino ka dhan ah duulimaadyada iyo maraakiibta

Xilli hogaamiyayaasha labada dal ay ku adkaysanayaan in aanay dagaal doonayn ayaa haddana xiisadaha ka taagan Gacanka ay weli yihiin kuwo sarreeya.

Diblumaasiyiinta Mareykanka ayaa Sabtidii ka digay in diyaaradaha ganacsiga ee halkaasi maraya ay halis ugu jiraan in si khalad ah loo aqoonsado.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here