Ujeedka Kulan Dhexmaray Madaxda Xisbiyada, Xukuumadda iyo Guddiga Doorashooyinka

0
1789
Kulanka Madaxda Xisbiyada, Xukuumadda iyo Guddiga Doorashooyinka

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxda xisbiyad qaranka, xubno ka mida golaha Wasiirada iyo Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa habeenimadii xalay kulan muhiima aqalka madaxtooyada Somaliland ku yeeshay.

Kulankani waxaa uu daba socday kulamo hore u dhex maray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, axsaabta qaranka iyo odayaasha gobolada barriga oo uu ujeedkiisu ahaa in dib loo eego jedwalka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka oo hore ay u dejiyeen komishanka doorashooyinku; kana bilaabmay gobolada galbeedka Somaliland, iyada oo la filayo in 13-12-2020 ka bilaabmanto gobolada barriga Somaliland.

Waxaana kulamadaasi lagu go’aamiyey in lagala tashado oo loo bandhigo komishanka doorashooyinka qaranka inay wixii suuragala ay dib u eegaan, waxana isla kulankaasi loogu yeedhay guddida doorashooyinka oo iyaguna cadeeyey in wakhtigu ku yar yahay, suurta galna aanay ahayn in ay mar kale dib u eegis ku sameeyaan wakhtiga diwaangelinta codbixiyeyaasha in dib loo dhigo, madaama wakhtigu is-riixayo.

Waxaana si wada jir ah warbaahinta ula hadlay madaxda axsaabta qaranka iyo komishanka doorashooyinka qaranka oo fariin u diray gobolada codsiga hore u soo gudbiyey inay u diyaar garoobaan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha wakhtigii hore loogu asteeyey inay kaga qabsoonto goboladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here