Shaqaale Gargaar oo Lagu Dilay Gobolka Tigray Ee Itoobiya

0
887

Mekelle (Hargeisa Press) — Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC) ayaa ku dhawaaqday dhimashada mid ka mid ah shaqaaliheeda oo lagu dilay gudaha xero qaxooti oo ku taalla Itoobiya.

“Isgaadhsiinta deegaanka aad ayay u adag tahay welina waxaan ka shaqeyneynaa xaqiijinta iyo helidda warbixinnada,” IRC ayaa sidaas ku sheegtay warsaxaafadeed.

Kooxda bani`aadannimada ayaa sheegtay inaanay weli aqoonsan qofka geeriyooday, xilliga iyo sida uu dilku u dhacay. Balse warsaxaafadeedkeeda waxay ku sheegtay in shaqaalaha gargaarka uu markii la dilayay ka shaqeynayay xerada qaxootiga Hitsats ee deegaanka Shire.

Ururka ayaa sheegay inuu “ka shaqeynayay Tigray si uu u caawiyo 96,000 qaxooti ah oo ku sugan afar xero oo loo fidinayay adeegyo kala duwan, oo ay ku jiraan biyo nadiif ah fayadhowrka iyo waxbarashada”.

Dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya ee u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo kuwa gobolka ayaa ku qasbay kumannaan qof inay qaxaan.

Dadka qaar ayaa tegay xeryo qaxooti oo ku yaalla dalak deriska la ah ee Sudan.

Dowladda Itoobiya ayaa hore u beenisay in gargaarka bani`aadannimo ee gobolka ay saameeyeen dagaalka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here