Ugu Danbayn Dawlada Germany Oo Dib U Nolaysay Rajadi Boqolal Kun Oo Qof. Warbixin Shakur Shire

0
1096

BERLIN — Waxa Malinka Jimcaha ee 7th june Lahor keeni doona Barlamanka wadankan Mashruuc sharciyeed ka koban afar qodob oo saamayn kuyelan doona qofkasta oo jecel inu kunolado wadankan germany hajogo gudaha wadankan ama hajogo dalki hooyo.

Waxa Mudaba doodisu socotay Mashrucan laba cisho kadib lahor keeni dono Golaha barlamanka wadankan kaas oo farxad galin dona boqolalka kun ee ku sugan wadanka dibadisa iyo gudahisa kaas oo manta laysla qaatay waxkaadal iyo kaabis kadib in la horgeeyo Golaha barlamanka wadankan.

Hadaba muxu ka koban yahay Mashrucani?!

Wuxu ka koban yahay afar qodob oo muhimadoda leh kuwaso kala ah.

1- Qodobka odhanaya qofka Haystay (DULDUNG) Diidmo sharci ee ku nola wadankan wixi ka horeyay 01/01/2018.

(A)Ee Shaqaysanayay

(B) (Ausbildung) xirfad baranayay

(C)Inta uu jogay wadankana aan dambi galin (D)luqadna haysta A2 ama B1.

Wuxu xaq u leyahay in lasiiyo daganashaha wadankan inta sano ee u xaq u yelanayo waxay ku xidhan tahay hadba gobolka aad dagantahay iyo dawlada ka jirta lakin sida hada lashegayo waxay u badan tahay 2 sano.

Sharcigasi maha kii magan galyo donka ee waa mid kuu samaxaya inad wadanka kana shaqaysato kuna nolato.

2-Qodobka Socdaalka.

Hadaba muxu yahay qodobkani?!

Qodobkani wuxu odhanaya Hadi aad tahay qof xirfad leh kuna noshahay wadankagi hooyo (SOMALIA) Ama wadankale ledahayna xirfad aad ku shaqaysan karto ama aqoon jamacaded tahay dhalinyar waxad helaysa VISAHA wadankan adigo lagu siin dono visa 6bilod ah lixda bilod waxad ku raadsan donta shaqo Hadi aad hesho shaqada waa sidi larabay hadi aad waydo waxad ka baxaysa wadankan sido kale waxan la ogolayn inad iska dhiibto ama aad xafisyada dadka magangalyo doonka ah cawiya inad u donato cawimo lama xadidin lacagta laga rabo inay kugu jirto Account kaga bangiga.

Lakin ilo waredyo kudhawi waxay shegayan qofka dhalinyarta ah in laga rabo inta u dhaxaysa 2000 ilaa 2800 euro

Sido kale waxay fursad wayni ugu jirta dadka waawayn ee 50 sano gadhaya kuwaso leh khibrad aqoned iyo farsamo.

Waxa laga raba iyagana lacag gadhaysa 3500 euro (Gesamtbrutto) inu mushahar ahan u qadanayo bishi waa marku shaqada helo.

Wanay fududahay inad intas qadato hadi aad ledahay aqon jamacaded ama farsamo gacmed.

3-Qodobka odhanaya Mastafurinta qasabka ah.

Qodobkani wuxu qabanaya dadka wadankan iska dhibay (Magangalyo waydistay) wixi kadanbeyay tarikhda kor kuxusan 01/01/2018

Hadi aad ka danbaysay tarikhda waxad tahay qofku qabanayo qodobkani.

Waxa awood dherada uu sinaya Police ka wadankan kuwas oo awood u adegsanaya qofka inay ku celiyan wadankisi ama wadanki uu marki hore iska dhibay.

Waxa lashega wadankan Germany inu sanad kasta u bahan yahay dad gadhaya 200 kun ilaa 300kun si dhaqalaha wadankani u ahado mid awood badan waxa albaabada laga xidhaya qofkasta oo ku fikirayay inu magan galyo waydisto wadankan waxanay alabada u furayan in qofkasta oo xirfad ama aqoon leh uu wadankan sifudud ku iman karo.

4-Qodobka kala noqoshada jinsiyada ama u diidida jinsiyada qof kasta oo lagu ogado inu qabo laba xaas taasina waxay samaynaysa dadka Muslimka ah ee haysta dhalashada wadankan kuwaso qaba halxaas in kabadan.

Waxa lasugaba waa malinta arbacada iyo Barlamanka oo qalinka ku duuga.

Shakur Shire -Germany

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here