Maayarka Oodweyne Fariin U Diray Bulshadda Gobolka Daad-madheedh

0
863

Oodweyne (Hargeisa Press.com): Gudoomiyaha golaha degaanka Oodweyne Cabdixakiin Nuur Muuse, bulshada gobolka Daad-madheedh ugu baaqay inay ka dheeraadaan goobaha biyo-mareenada ah iyo dooxyada waa-weyn ee gobolka.

Waxaanu tibaaxay inay qaar ka mida dadweynaha gobolkani degaan ama ay ku dhawaadaan, dooxyadan oo uu ka xusay Dooxa Oodweyne iyo Dooxa Xaaxi.

Maayarka Oodweyne  oo bulshada Oodweyne kula hadlay fagaarihii ay ku  tukadeen salaadii Ciidu-Fidriga kadib ayaa ugu horayn waxa uu hambalya u diray guud ahaan shacabka Islaamka.

Gaar ahaan bulshada Somaliland, Madaxweynaha Qaranka, iyo dhamaan sadexda gole ee Qaranka Somaliland.

Halkan Hoose ka Daawo Maayarka Oo Arrimahaas Ka Hadlayay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here