Xildhibaan Cali Aareeye Oo Turkiga Ku Geeriyooday

0
937

Hargaysa (Hargeisa Press.com)- Madaxweynaha Somaliland ayaa dhambaal tacsiya u diray ALLE ha u naxariistee marxuum/xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye, oo ka tirsanaa golaha Wakiiladda Somaliland oo xalay ku geeriyooday dalka Turkiga.

Alle ha u naxariistee marxuum Cali Aareeye, oo hadda ka tirsanaa xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland ayaa xilal kala duwan oo wasiirnimo ka mid ahayd  ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyay ee soo maray Somaliland.

Waxaanu madaxweyne Muuse Biixi, marxuumka ku sifeeya masuul qaran oo ka baxay guud ahaan bulshada  Somaliland, muddo dheer-na u shaqaynayey qarankiisa, isagoo dawladii marxuum Cigaal-na ka soo noqday wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska.

Tacsida madaxweyne Muuse Biixi u diray marxuum/xildhibaan Cali Aareeye, ayaa u dhignayd sidan:

 

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland.

Waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha wakiilada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeyeoo ku geeriyooday dalka Turkiga Xalay oo ay taariikhdu tahay 05/06/2019.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan qaran oo ka baxay guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, muddo dheerna u shaqaynayey qarankiisa, isagoo dawladii marxuum Cigaal-na ka soo noqday wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska.

Sidoo kale sanadkii 2005-kiina ku soo baxay doorashadii golaha wakiilada Somaliland oo uu ka mid ahaa hadda, laguna xasuusan doono xildhibaanka  waayo aragnimo, karti iyo aragtidiisa waddanimo.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Baarlamaanka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here