U Jeedadda Shir Somaliland iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Ku Dhexmaray Kenya

0
772

Hargeisa (Hargeisa Press) — Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa ka warbixiyay shir ay dhawaan dalka Kenya kaga qayb galeen isaga iyo wasiirka maaliyadda Somaliland.

Wasiir Xasan Maxamed Gaafaadhi, waxa uu sheegay in shirkaasi ay ka qayb galeen safiirro ka socday wadamada beesha caalamka.

Haayadaha caalamiga ah qaarkood iyo kuwa qaadhaan bixiyeyayaaha ah.

U jeedadda shirkaasi ay kaga qayb galeen ayuu ku tilmaamay wasiirku inuu qayb ka ahaa kala shirarka ay la yeeshaan haayadaha qaadhaan bixiyeyaasha.

Waxaana shirkaasi lagaga wadahadlayay kaalmooyinka ay haayadaasi siiyaan Somaliland iyo saamaynta dhaqaale ee uu sababay xanuunka saf-marka ah ee Coronavirus.

Gaar ahaana wadamada uu marka horeba dhaqaalahoodu hooseeyay oo ay Somaliland na ka mid tahay.

Wasiir Xasan Gaafaadhi, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kaloo uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid farsamo, isla markaana aan loogu tallo gelin in warbaahinta lagu faafiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here