Xassan Sheekh oo Farmaajo Ku Eedeeyay Inuu Mugdi Geliyay Mustaqbalka Soomaaliya

0
1012
Xasan Sheekh iyo Farmaajo
Xasan Sheekh iyo Farmaajo

Muqdisho (Hargeisa Press) — Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa eedaymo kulul u jeediyay Farmaajo, isagoona ku eedeeyey inuu Soomaaliya galiyey xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi sii gelin karta rajada ummadda Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, marxladda kala guurka ah ee la galay iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

“Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu Soomaaliya geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka Soomaaliya,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intaasi kusii daray in Soomaaliya ay leedahay shacab iyo haldooro bad-baadin karo Soomaaliya iyo dadkaba.

“Soomaaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag,” ayuu  sii raaciyey Xasan Sheekh.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya, iyada oo lagu heshiin waayey doorashada Soomaaliya, sidoo kalena Farmaajo ay ka dhammaantay muddada xil-heynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here