Tirrada Carruur Walaalo Ah oo Qarax Ku Dilay Duleedka Berbera

0
1153

Berbera (Hargeisa Press) — Laba Carruur ah oo Walaalo ah ayaa dhintay, ka dib markii ay Miino kula qaraxday duleedka galbeed ee magaalada Berbera.

Labada Carruur ah ayaa la odhan  jiray Shaafici Cabdi Jaamac iyo Subeer Cabdi Jaamac oo 3 sanno jir ahaa.

Carruurtan ayaa Miinadu ku qaraxday ka dib markii ay hadhaaga Hub ay heleen ku rideen Dab ay Qoysku wax ku karsanayeen.

Dhacdadan ayaa waxaana ka warbixiyey Taliyaha qaybta Booliska gobolka Saaxil Gaashaanle, Cabdi Cali Xayd.

Waxaanu Taliyahu sheegay in Waalidka ubadka dhalay guriga ka maqnaayeen marka labada Wiil walxaha qarxa dabka saareen. waxaanu

Qoyska ay ka soo jeedaan Carruurtan qaraxu dilay ayaa waxaa ay ahaayeen dad reer Miyi ah oo Xoolo-dhaqato ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here