Xadka Somaliland iyo Jabuuti oo La Furay 6 Sannadood Ka Dib

0
1885

Djibouti (Hargeisa Press) — Waxaa ku dhawaad 6 sannadood kadib dib loo furayaa isku socodka shacabka iyo gaadiidka xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

Arrintan ayaa timid kadib kulammadii ay wada yeesheen madaxweyneyaasha Somaliland iyo Jabuuti.

Sannadkii 2014-kii ayay ahayd markii Jabuuti ay gebi ahaanba xidhay xadka ay la wadaagto Soomaaliland ka dib qarax xilligaasi ka dhacay dalka Jabuuti inkastoo markii dambe dib loo furay.

Hase yeeshee labadii sannadood ee ugu dambeeyay ayaa hadana dib loo xidhay oo waxaa la diiday iney xadka ka gudbaan dhammaan gaadiidka ka yimaada Soomaliland.

Baabuurta rakaabka iyo xamuulka ah, ayaana dhaafi jirin xadka oo waxaa la sameyn jiray agabka iyo rakaabkuba waxaa lagu wareejin jiray gawaadhi kale oo u sii gudbineysa gudaha Jabuuti.

Arrintan oo dhibaato ba’an ku haysay shacabka labada dal ayaa waxaa xallinteeda shaaciyay madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uuna sheegay inay ka wada hadleen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here