Tartanka Is Reeb Reebka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Oo Bari Ka Furmaya Burco Iyo Boorama

0
1024

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxa bari  si rasmiya ugu furmaya magaalooyinka Burco Iyo Boorama wareega hore ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland.

Tartamada hore ee ciyaaraha gobolada oo loogu tala galay in lagu kala saaro gobolada somaliland isla markanaa wareegiisa labaad lagu qaban doono caasimada Hargeysa ayaa waxa la filayaa inuu ku bilaabmi si habsamiya.

Xulka gobolka Hawd oo ka mid ah xulalka martida ku noqon doona xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa maanta si rasmiya uga baxay caasimada Hargeysa, halkaas oo ay mudooyinkii ugu danbeeyey ku qaadanayeen tababar diyaar garaw ah. Sidoo kale wararka aanu ka helayno xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa sheegaya in inta badan xulalkii gobolada ee loogu tala galay inay wareega hore ee ciyaaraha gobolada kaga qayb galaan xarunta gobolka Awdal ee Boorama ay gaadheen magaaladaasi.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal), oo ku sugan xarunta gobolka Togdheer ee Burco  ayaa sheegaya inay magaaladaasi soo gaadheen inta badan xulalka loogu tala galay inay tartanka kaga qayb galaan magaaladaasi, halka inta kalana la filayo inay ilaa caawa soo galaan.

Tartanka ciyaaraha gobolada somaliland ayaa sanadkan loogu tala galay in la qabto wareeg hore oo lagu kala reebayo gobolada kuwaas oo ka dhici doona magaaloyinka Boorame iyo Burco halka wareega labaad ee tartanka koobkana loogu tala galay in lagu qabto Caasimada Hargeysa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here