Suldaan Sabayso Oo Markii Maxkamaddu Maanta Soo daysay Xadhigiisii Ku Tilmaamay Qafaalasho, Sheegay-na Sababtii iyo Cidii ka danbaysay

0
967

Hargeysa, (HargeisaPress) — Suldaan Mawliid Sabayso oo maxkamadda gobolka Hargeysa ay maanta amar ku bixisay in la sii daayo maadaama cidii soo ash-kataysay ay hor iman wayday dhagaysigii dacwadii loo haystay, ayaa markii uu xabsiga kasoo baxay waxa uu warfidiyeenada u sheegay in xadhigiisa ay sabab u ahaayeen hadalo uu ku bayaamiyey, kuna dhaliilay siyaasado ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku dhaqanto oo ay ku boobayso xoolaha iyo hantida ummadda ka dhaxaysa sida  dhulka dawladda, wareejinta haamaha shidaalka, madaarka iyo dekadda Berbera, maktabada Gaandi iyo qodobo kale oo arrimahaasi la xidhiidha.

 

Mar Suldaan Mawliid Sabayso la waydiiyey cidii xadhigiisa masuulka ka ahayd ayaa waxa uu ku jawaabay “Cidii dhibsatay dhaliilihii aan warbaahinta ka sheegay ayuun baa xadhigaygana ka danbaysay waana Madaxtooyadda”.

 

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa saaka soo saartay xukun ay ku amrayso sii daynta suldaan Sabayso oo ciidamadda RRU-du sifo sharciga baalmarsan xabsiga ugu taxaabeen 17/9/2015, ka dib markii uu dhawr maalmood ka hor si kulul u naqdiyey qorshihii ay xukuumadu ku doonaysay inay kaydka haamaha shidaalka ee Berbera ku wareejiso shirkado gaar loo leeyahay. Maxkamadda gobolka ayaa go’aankan ay suldaanka xoriyadiisii dib ugu soo celisay gaadhay markii ay cidii mudiciga ku ahayd oo dhawr jeer loo yeedhay ay ka warwareegeen inay maxkamadda hor-yimaadaan.

 

Inkastoo xadhiga suldaan Sabayso ay xukuumadda ku taageereen xubno xubno ka tirsan beeshiisa sida Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo ganacsade Maxamed Aw Siciid, hadana waxa soo shaac-baxay in cid ka mid ah qoyska madaxtooyadu ay bixisay amarkii markii hore lagu soo xidhay suldaanka.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here