Somaliland: Muwaadin Cumar Xasan Oo Muddo sanad iyo Badh Xabsiga Hargeysa ku xidhan Bilaa Maxkamad Iyo Eheladdiisa oo laga Mamnuucay

0
1143
Muwaadin Cumar Xasan Xabsiga Hargeysa ku xidhan

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaarrada Caddaalada Somaliland, ayaa caddaadis dheeraad ah saartay Muwaadin u dhashay Somaliland oo xabsiga Hargeysa ugu xidhan Dawladda Denmark oo uu sharci degenaanshiyo ah ka haysto.

Cumar Xasan Sheikh Cumar Sheikh Muuse oo ah 31 jir muddo sanad ka badan ugu xidhan xabsiga Magaaalada Hargeysa fal-dambiyeed aanay jirin Maxkamadda si rasmiya uga gar-naqday, balse sida la sheegay inay ku dooddayso Dawllada Denmark uu dalkeeda ka geystay intaanu iman Dalkiisa.

Eheladda Wiilkaas ayaa walaac ka muujiyey gabi ahaanba qaabka loola dhaqmay Muwaadinkan, kuna tilmaamay xad-gudub intiisa le’eg oo aannu muteysan, waji-gabax iyo ceeb-na ku ah Shuruucda iyo milgaha dawladdnimo ee dalka ka dhisan.“Annagu mar walba waxaanu doonaynaa in hadii dambilagu haysto dalkiisa lagu xukumo , hadii aan dambi lagu hayaa jirinna xoriyadiisa loo soo celiyo”ayuu u sheegay HargeisaPress.com mid ka mida Eheladda Wiilkaas.

Qoyska muwaadinkan ayaa dalbanaya in wiilkooda xorriyadiisa loo soo celiyo mar haddii aanu jirin dambi uu galay oo ay dawladda Somaliland u haysato.

Dhanka kale, Qarreen Xasan Cali Banfas oo ah Qarreenka Maxkamadda Hargeysa uga dooddaya Muwaadinkan labada dhalasho haysta oo isna dhankiisa HargeisaPress.com, la hadlay, ayaa sheegay.. “..Ninkaa waxa muuqata in cadaadis dheeraad ah maalmahan dambe la saaray,

 

Qarreenka Maxkamadda Hargeysa uga dooddaya Cumar Xasan, ayaa docda kale, ku tilmaamay tacadi aan loo meel-dayin xabsi ku haynta Maxbuuskan oo uu carrab-baabay in sanad iyo Badh ka badan noloshiisa Jeel noqotay, halkaasoo wakhtiga uu ku xidhanyahay laba jeer Maxkamadda la horkeenay oo imikana kiisisa  Maxkamadda  sare loo wareejiyay Waxaanu yidhi“Waa xad-gudub qof dambi aanu dalka ku gelin oo aan caddeymo loo haynin inuu meel kale dambi ka galay sidan loo ciqaabo oo jeel layskaga hayo, oo marba rumaan laysaga jaro”.ayuu yidhi.

 

Cumar Xasan Sheekh Muuse oo 26/06/2014 xabsiga loo taxaabay isagoo ku sugan Magaallo-madaxda Somaliland ee Hargeysa, ayaa dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay ee 2014, labada dawladdood ee uu dhalashooyinka ka haystaa isku-dayeen inay la kala-wareegan, kaddib markii uu booqasho ku yimi dalka Wasiirka Ganacsiga ee Xukuumadda Denmark, kaasoo la sheegay inuu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday in dalkiisa loo soo gacan-geliyo wiilkaas.

 

Isku-daygaas ayaa fashilmay kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis Warbaahinta ka sheegay inaanu gacanta Waddankiisa dhaafi doonin Cumar, laguna maxkamaddeyn doono halkan, iyadoo halkaa warkiisu taagnaa, ayaa wararka iminka soo baxayaa waxay tibaaxayaan in Wasiirka Caddaalada Xuseen Axmed Caydiid iyo xubno kale oo dawladda ka tirsani si gaar ah uga dhirin-dhirinayaan dhankiisa inay ka timaado u wareejinta Waddanka Denmark, taasoo warar ka soo baxaya ilo u dhuun daloolla Kiiska Ninkaasi tilmaamayaan inay xubnaha danaynaya u qaadista Denmark cid kale soo dhex martay.

 

Haya’adaha ammaanka oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin, laakiin hadal qaadka arrintani ayaa marar badan laga maqlo dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here