Taleex: Badhasaabka Xaysimo Oo Kormeeray Degaamo Ka Tirsan Gobolka

0
891

Taleex (HP): Badhasaabka gobolka Xaysimo C/rashiid Maxamuud Xiir, ayaa maanta soo kormeeray degaanka loo yaqaano Qawlo, gaar ahaana Bali-biyood weyn oo halkaasi ku yaalla iyo rig biyood laga waddo.

Sidoo kale badhasaabka Xaysimo ayaa soo kormeeray xerrooyin ay degan yihiin dad barokaceyaal ah oo halkaasi soo degay kadib markii ay xoolihii kaga baxeen abaarihii dhawr sanno dalka ka dhacay.

C/rashiid Xiir, ayaa halkaasi ka sheegay in ay ku dedaalayaan sidii dadkaasi barokaceyaasha ahi ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah, isla markaana ay hawlaha u kala horaysiinayaan sida ay ugu kala baahi badan yihiin dadkaasi.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here