Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo Sheegay in Degmadda Saylac ay Noqotay Degmadda ugu Maamulka wanaagsan ee Mashruuca JPLG-gu ka socdo

0
758

Saylac,(HargeisaPress)-Weftigii uu hogaaminaayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil saylici ee ku sugnaa xarunta gobolka Salal ee Saylac ayaa maanta shir balaadhan kula yeeshay mas’uuliyiinta golaha deegaanka degmada Saylac iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Saylac Hoolka shirarka Dawlada hoose eemagaalada Saylac.

Shirkan oo ka dhacay hoolka dawlada hoose ee degmada saylac ayaa wax aka hadlay Maayirka magaalada saylac Sacad Daahir Cige oo ka warbixyay maraashriiciidii JpLg ga ee degmada laga fuliyay isagoo faah faahin dheeraad ka bixiyay siday u fuleen iyo goobaha laga fuliyay.

 

Badhaasabka gobolka Salal Mawliid Maxamed Nuur oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ka markhaati kacayo in mashaariicadaa sidii loogu talo galay ay u fuleen , isagoo madaweyne ku xigeenka ka codsaday in mashuuraca jblg ee danbe gobolka loogu daro wadada isku xidha saylac iyo borama maadaama dhibaatada ugu badan ee gobolka haystaa ay tahay wado xumo hoos u dhigtay xidhiidhkii gobolku lahaa gobolada kale ee dalka codsigaas oo Madaxweyne ku xigeenkuna ka aqbalay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Saylici oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn ku wareejiyay maamulka gobolka raashin loogu talo galay 200 qoys iyo  50 xabo oo ah shabaakta lagu kaluumaysto, waxaanu sheegay in Mashruuca Maamul daadejinta dawladaha hoose ee JPLG-ga oo ka socda 8 Degmo oo dalka ah ay  degmada saylac sanadkan noqotay degmadii ugu wanaagsaneyd dhinaca maamul wanaaga , waxaanu intaa ka dib dhagax dhigay xarun loo dhisi doono wasaarada xanaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga ee Gobolkaas .

Intaasi ka dib waxa waftiga Madaxweyne ku xigeenku uu kormeer kusoo maray deegaanada Dokhasi , Geed haad iyo Lawyo cado Isagoo mid mid isu soo dul taagay mashaaraciida laga fuliyay.

HargeisaPress News Desk -Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here