Dawladda Hoose Ee Burco Oo Dib-U-Dejin U Samaysay 1100 Qoys

0
890

Burco (HP): Dawladda hoose ee Burco ayaa dib-u-dejin u samaysay in ka badan 11000 qoys oo barokaceyaal ah oo deganaa xerro barokaceyaal oo la yidhaahdo Fadh-fadhiisay oo ku taalla duleedka magaaladda Burco.

Waxaanay saaka dawladda hoose ee Burco bilawday rarrista kunkii qoys ee ugu horeeyay qoysaskaasi. Dadkaasi oo ahaa  dadkii reer Baadiyaha ahaa ee ay xoolahoodii kaga abxeen abaartii dalka ka dhacday sanadkii 2017-kii.

Iyadoo qoysaskaasi ay muddo saddex sanadood ah deganaayeen xerrada loo yaqaano Fadh-fadhiisay oo ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha magaaladda Buro.

Rarrista qoysaskaasi waxaa goob joog ka ahaa maayarka magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Muraad, agaasimaha hay’adda qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland, xubno ka tirsan xildhibaanadda golaha degaanka Burco oo uu ka mid ahaa xildhibaan Mubaarig Bidhi.

Dadkaasi barokaceyaasha ah oo la dejiyay dhul ay iyagu leeyihiin oo laga jaray dhulka danta guud ah ayaa lagu rarrayay iyaga iyo agabkoodaba gaadiidka dawladda hoose ee Burco.

Maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa faahfaahin ka bixiyay goortii dadkaasi ay meesha laga rarrayo soo degeen iyo meelaha ay hadda dejinayaan.

Waxaanu yidhi, “Xaafadda madaarka ee magaaladda Burco, halkaasoo dadkii barokaceyaasha ahaa, ee reer Baadiyaha ahaa, ee xooluhu ka dhamaad, abaartii dalka ka dhacday sanadkii 2017-kii.

Saddexdaas sanadood halkan ayay deganaayeen, waxaanay ahayd dhul dad leeyihiin ayay mudadaas deganaayeen. Waxaanan muddo u raadinaynaa dadkaasi dhul ay degaan”.

Waxaanu intas raaciyay, “Waxaanu maanta halkan ka rarraynaa 11000 qoys. Iyadoo loo diyaariyay waxyaabihii nolosha bani’aadamka aasaasiga u ahaa, oo ay dadkani heli doonaan. Meesha aanu dejinay, waa meel aanu ka shaqaynay ilaa laba bilood, oo aanu u hagaajinaynay.

Dhulkan aanu dejinay dadkani barokaceyaasha ahaa, waa dhul aanu ka jarnay dhulkii danta guud ahaa”ayuu yidhi maayarka Burco.

Geesta kale xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco oo hawsha rarrista qoysaskaasi maayarka ku wehelinayay ayaa sheegay in sababta dadkaasi meesha looga rarrayaa ay tahay iyadoo la filayo in dhawaan madaarka diyaaradaha Burco uu shaqadii dib u bilaabo.

“Maadaama aan rejaynayno in Madaarka hawshiisii la bilaabo, oo uu shaqadiisii dib u bilaabo, in garoonka dhulkiisii loo baneeyo.

Maanta-na waxaanu rarrkoodii  bilawnay kunkii qoys ee ugu horeeyay. Waxaanan u rarrnay dhul aanu ka jarnay dhulka danta guud, oo aanu dad muwaadiniin ah ka jarnay”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Waxa kaloo uu sheegay xildhibaan Bidhi, in qoysaskan barokaceyaasha ah goobta la dejiyay aanay lahayn adeegyadda nolosha bani’aadamka aasaasiga u ah.

Waxaanu yidhi, “Waxaan doonayaa in aan halkan baaq ka dirro. Waayo? dadkani waxay u baahan yihiin baahiyaha nolosha bani’aadamka aasaasiga u ah.

Maadaama aanu imika dhul ay leeyihiin aanu siinay, waxay u baahan yihiin dugsiyadii waxbarashadda, saldhigyadii booliska, biyihii, caafimaadkii iyo baahiyaha aasaasiga ah oo dhan.

Waxaa naga go’an ka dawlad hoose ahaan, in  aanu dadka danyarta ah iyo kuwa jilicsan aanu wax u qabano”.

Dhinaca kale qaar ka mida qoysaska halkaas laga rarrayay ayaa dawladda hoose ee Burco uga mahad celiyay qorshaha ay ku dejinayso dhul ay leeyihiin, isla markaana looga rarray meeshii aanay iyagu lahayn.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here