Suxufigii Ugu Caansanaa Caalamka Carabta Oo Ku Geeriyooday Magaalada Qaahira Ee Masar

0
814

CAIRO, Egypt  (HargeisaPress) —Maxamed Xuseynayn HAYKAL oo ka mid ahaa Suxufiyiinta ugu Caansan Calaamka Carabta ugu Caansaa oo u dhashay dalka Masar ayaa ku geeriyooday Magaalada Qaahira, isagoo da’diisu ahayd 92 jir.

 

Haykal ayaa wuxuu ahaa nin ay si aad ah isugu dhawaayeen madaxweynhii hore ee dalka Masar, Jamaal C/naasir Sannadihii 1960-naadkii, xilligaasoo uu tafaftire ka ahaa wareyska Al-Ahraam oo ay Xukuumaddii Qaahira lahayd, isagoo diyaarin jiray inta badan fikiradaha hanti-wadaagga oo dalkaas uu ku dhaqmi jiray.

 

Sidoo kale, Wuxuu soo noqday Wasiirkii Warfaafinta Masar, iyadoo sidoo kalena ku hadli jiray afka dowladda, sida inuu yahay wasiirka arrimaha dibadda Masar oo kale.

 

Markii uu dhintay Jamaal Cabdulnaasir Sannadkii 1970-kii ayaa waxaa laga qaaday xilkii uu hayay, iyadoo sannadkii 1981-kii la xidhay, kaddib markii uu marar badan dhaleeceeyay xukuumaddii Anwar Al-Saadaad oo ahaa madaxweynihii Jamaal ku xigay ee Hoggaamiya Masar.

People carry the body of Mohamed Hassanein Heikal, the Arab world's best known political commentator, after conducting a prayer from Al-Hussein mosque, for burial in Cairo, Egypt, February 17, 2016. REUTERS/Asmaa Waguih
People carry the body of Mohamed Hassanein Heikal, the Arab world’s best known political commentator, after conducting a prayer from Al-Hussein mosque, for burial in Cairo, Egypt, February 17, 2016. REUTERS/Asmaa Waguih

Waxaa Haylkal xabsiga kasii daayay Maxamed Xusni Mubaarak, kaddib Markii la gaadmo lagu dilay Saadaad dhammaadkii 1981-kii. Iyadoo Mubaarak xilka laga qaaday muddo 29-sano ah oo uu dalkaas xukumayay, haatanna maxbuus ku ah Qaahira.

 

Intaas kaddib, Maxamed Xuseeneyn Haykal wuxuu ahaa wariye inta badan laga wareysto Dhacdooyinka Caalamka Carabta, Wuxuuna sidoo kale qoray Buugaag uu ka mid ahaa mid uu ugu magac-daray Xilligii Naasir.

 

Geerida Wariye Haykal ayaa la shaaciyay Arbacadii shalay, iyadoo Wargeyska Al-Ahram uu baahiyay in muddo Saddex todobaad ah uu la Xanuunsanaa Oof-wareeg kaga dhacay sambabada iyo kilyihiisa oo shaqadii joojiyay.

 

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dalka Masar, C/fataax Al-Sisi ayaa wuxuu ku Tilmaamay HAYKAL inuu ahaa udub-dhexaadka Saxaafadda Waddamada Carabta, Wuxuuna sidoo kale ahaa shaqsi ka baahiya telefishinnada Masar iyo kuwa Carabta Warbixinno ku saabsan Taariikhda iyo Siyaasadda Caalamka Carabta.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here